Daawo Sawirada: Gudoomiye Jawaari oo la kulmay jaaliyadda Soomaalida ee Talyaaniga.

0

Rom (AGGM): Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo hoggaaminaya wafdi xildhibaanno ah ayaa jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga xalay kula kulmay magaalada Roma ee caasimadda dalkaas.

Jaaliyadda ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay kulanka uu la qaatay wafdiga xildhibaannada ah, iyadoo ka warbixisay xaaladda nololeed ee jaalliyadda.

Xubno ka tirsan wafdiga ayaa jaaliyadda uga warbixiyay xaaladaha guud ee dalkooda iyo kaalinta ay ku leeyihiin in lagu guulaysto dedaalka lagu doonayo Soomaaliya inay ka soo kabato burburkii gaaray.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa jaalliyadda ku baraarujiyay in ay la timaado midnimo iyo waddaniyad, si ay uga qayb qaadato horumarka dalkeeda.

JAW17 JAW15 JAW14 JAW13 JAW12 JAW11 JAW10 JAW9 JAW8 JAW7 JAW6 JAW5 JAW4 JAW3 JAW2 JAW1 JAW JAW16

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com