Daawo Sawirada Bahdilka: Guusha Cabdiweli Sheekh Axmed,Waxa Uu La Damacsan Yahay Ciidamada Goobweeyn Iyo Hadalka Ugu Yaabka Badan Sanadkan.

0

Kismaayo (AGGM): Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dhawaanahan waxa uu ku sugnaa magaalada Kismaayo oo uu marba weji cusub la soo baxayay.

Carab laa laadinti Cabdiweli Sheekh ayaa waxaa danbinkiisa ku soo dhacay 11 ruux oo 8 ruux ka mid ahaayeen rag shacab ahaa oo ka barakacay magaalada Kismaayo islamarkaana u adkeensan waayay waxa ka socda, halka 3 ka mid ahaayeen ciidamada Goobweyn oo qaab xunoo raqiis ah wax loogu sheegay.

Hadaba Aklhristoow bal nala daawo qaabka loola dhaqmay 11-kaa ruux ee ku dhacay dabinka Cabdiweli Sheekh Axmed la wareegayay suuqyada Kismaayo.

Ciidanka-Barre-8-600x337

Ciidanka-Barre4-600x337

Ciidanka-Barre

Waa kuwaa loo soo daawasho tagay xataa waxay gaareen in caruruta magaalada Kismaayo ay  telefoonadooda Sawiro uga qaataan. WAA GUUSHA CADBIWELI SHEEKH, HAMBALYO HAMBALYO.

Dhinaca kale Hadalka ka soo yeeray Cabdiweli Sheekh ayaa waxa uu noqday Hadalka ugu yaabka badan  Sanadkan: “Ciidamada Goobweeyn Ha Isa Soo Dhiibaan” waa hadalka ugu yaabka badan sanadkan uguna xiiisaha badan sababtoo ah weli Soomaaliya laguma arag shaqsi la mid ah Cabdiweli Sheekh Axmed , dadka badankiina ayaa waxa ay isweeydiinayeen ciday doonaan Soomaali haka noqdaane, su’aalo ay ka mid ahaayeen kuwan “Ma Waalan Yahay Ninka” “Maya Ma Waalna Ee Waa Doqon” Maya Ee Yuusan Xaal Ku Qaban Doqon Ha U Gafin, Yaan Gogol Laguu Dhigan”,  Hadde wax ku timaan waakaaye, waa hadal heeyta bulshada Soomaaliyeed ee Sanadkan.

Isku soo wada duuboo Soomaalida waxay ku maah maahdaa (Cagtii Joogsan Weydaa Marbay Ceeb La Kulantaa iyo Dhubuq Dhubuq Hore, Dhabano Hays Dambey Leedahay).

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com