Daawo Sawirada:Qurba-joogta Beesha Sade ee dalka Canada oo deeq lacageed soo gaarsiisay Schoolka Gulwade ee Magalada Kismaayo.

0

Magaalada Kismaayo waxaa ka jira Schoolka Gulawade oo ay dhigato arday isugu jirta dugsi hoose, dhexe iyo sare. Tirada ardayda dhigata Schoolka Gulwade waa kun iyo boqol arday (1100).

Maamulka schoolka Gulwade oo run ahaantii wakhtigooda, xoogooda iyo maalkoodaba galiyay Schoolka Gulwade ayaa hada wada howlo dayactir balaaran in mudo ah, wuxuu Maamulka schoolka la kashaaday hormarinta schoolka Gulwade ee Kismayo dhamaan bulshadda deegaanka dalka iyo dibadaba. Maamulka schoolka aya marwalba ku dhiirigaliya bulshada qurbajoogta in ay schoolka taakulayn ka gaystaan.

Gudiga Schoolka Gulwade aya sheegay in lacagtaan ururinteedii iyo soo gaarsiinta deegaanka ay xil gaar ah iska sareen dhowr shaqsi oo ku sugan Dalka Canada, Waxayna ku dhiirinayaan Qurba-joogta in ay qaataan talaabadaan ku dayashada mudan ee u dadaalka wax barashada. Gudiga Schoolka Gulwade waxaa ka go’an in ay kudadaalaan in schoolka lagu daro qolal dheeraad ah. Iyo in schoolka lagu biiriyo qol loo isticmaalo computer lab iyo qol library ah.

Qurba-joogta Canada ayaa waxay ka qaybqaateen bixinteeda lacagaha taakulaynta ah oo ay labo Magaalo bixiyeen. Oo kala ah Jaaliyadda Magaalada Edmonton waxay soo direen lacag dhan $1500, Jaaliyadda Magalada Torontana waxay soo direen lagac dhan $3000 oo dollar, ayna guud ahaan tahay $4500 oo dollar.

Deeqdaan ayaa waxaa si weyn uga mahadceliyey Maamulka Schoolka Gulwade ee magalada kismaayo, qaybaha kala duwan ee bulshadda Sade ee Magalada Kismayo iyo waalidiinta ardayda dhigata schoolka, waxaana ay alle uga baryeen in uu khayr ugu badalo cid kasta oo ka qaybqaadatay bixinteeda.

Maamulka Schoolka Gulwade ee Kismaayo ayaa dhankooda ku booriyey bulshadda dibada iyo dalkaba in ay xilkasnimo muujiyaan oo ay gacan mugleh ka gaystaan barnamijyadda horumarineed ee laga hirgelinayo deegaanadda Jubooyinka iyo Gedo gaar ahaan degmadda Kismaayo.

Wabilahi towfiiq

Gulwade-kismayu1  Gulwade-kismayu3 Gulwade-kismayu5 Gulwade-kismayu6 Gulwade-kismayu7 Gulwade-kismayu4 Gulwade-kismayu8Gulwade-kismayu2

Wixii faah faahin dheeraad ah, Fadlan booqo website ka Schoolka Gulwade:

www.gulwade-academy.org

Axmed Maxamed Bule
Toronto, Canada

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com