Daawo Sawiro: Golaha Nabada Iyo Midnimada Gobolada Jubbooyinka Oo Eedayn Kulul Dusha Uga Tuuray RW Cabdiweli Sheekh Axmed.

0

Muqdisho (AGGM):Shir Jaraa’id oo maanta ku qabteen magaalada Muqdisho golaha Nabadda iyo Midnimada gobolada Jubbooyinka ayay uga hadleen xasaraha kasoo cusboonaaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose kaddib socdaalkii Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shekh Axmed.

Dr Cabdi Shire Warsame oo wakiil uga ah golahaasi Col, Barre Hiiraale ayaa ku eedeeyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed inuu hareer maray heshiiskii 27 bishii Augost lagu gaaray magaalada Addis Ababa kaasoo dhabaha u xaarayay xal u helidda khilaafaadka Jubbooyinka ka alloosanaa muddooyinkaan danbe.

Cabdi Shire ayaa u akhriyay Warsaxaafadeed uu goluhu kasoo saaray arinta Kismaayo gaar ahaan xaraynta Ciidamadda, waxaana uu xusay Dr Shire Ciidamadda xarayntooda ka hor in dawladda laga doonayo hirgalinta qodobadii heshiiska ugu muhiimsanaa sida wajigii labaad ee shirwaynaha dib u heshiisiinta Jubbooyinka isku keenida beelihii wax ku kala gaareen Kismaayo, iyo sidoo kale wareejinta ilaha dhaqaalaha sida Dekada iyo garoonka.

“Heshiiskii Addis Ababa wuxuu dawladda Soomaaliya saarayaa inay dhaqan galintiisa Hormuud ka ahaato, waxaa nasiib darro ah in dawladda Soomaaliya aysan ka qaadan doorkeeda ayna si barer ah uga baaqsatay kaalinteeda iyadoo isla markaana ka baaqsatay dhaqangelinta heshiiska” ayuu yiri Cabdi Shire.

Dhanka kale wuxuu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed inuu hal dhinac la saftay isla markaana uu gacanta u galay Malayshiyo beeleedka Raaskambooni sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo Socdaalka uu kismaayo ku tagay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli mid uu ku taageerayo Axmed Maxamed Islaam iyo Kooxdiisa waxaa Ra’iisul Wasaaruhu doonayaa hal dhinac in lagu sameeyo hubka dhigis taasoo aan waafaqsanayn heshiiskii Addis Ababa , wax maamul ah oo Kismaayo ka jiro ma jiraan waxaa meeshaasi gacanta ku haya Kooxda Raaskambooni ah oo ah malayshiyo beeleed dadka xasuuq ku haysa” ayuu yiri markale Cabdi shire.

Sidoo kale wuxuu sheegay Cabdi Shire Warsame qodobada la isku diidanyahay ee magaalada Kismaayo u joogo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed inay kamid tahay Ciidamadda Barre Hiiraale in lasoo xareeyo kuwa Axmed Madoobe-na ay magaalada hub ku dhex sitaan taasoo uu sheegay inay tahay mid aan suuragal ahayn.

Col, Cabaas Ibrahim Caddow oo Guddoomiye ku xigeen ka ah golaha Nabadda iyo Midnimada Jubba ayaa dhankiisa eedayn kulul dusha uga tuuray Madaxda sare ee dawladda isagoo xusay in la hareer maray heshiiskii magaalada Addis Ababa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo afartii cisho ee u danbeeyay ku sugnaa Kismaayo ayaa kulamo la lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada halkaasi ku dhaqan iyadoo ay kulamadaasi bar-bar socdaan qorshayaal la doonayo in lagu soo xareeyo Ciidamadda ku sugan duleedka degmada Kismaayo gaar ahaan deegaanka Goobwayn wallow ay jiraan mad madow soo kala dhex galay Saraakiisha Ciidamadda Barre Hiiraale iyo Ra’iisul Wasaaraha kuwaasoo ku aaden qaabka loosoo xaraynayo Ciidamadda.

20140416_143509 20140416_143506 20140416_142449 20140416_142343 20140416_142314 20140416_142150 20140416_141410 20140416_141255 20140416_141235 20140416_141056 20140416_141041 20140416_142434 20140416_141558 20140416_141102

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com