Daawo:Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Maanta Khudbad Ka Jeediyay Jaamacadda Napoli Oo Qeyb Ka Mid Afka Soomaaliga Wax Looga Barto

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Maanta  Khudbad Ka Jeediyay Jaamacadda Napoli
Oo Qeyb Ka Mid Afka Soomaaliga Wax Looga Barto “SAWIRRO”

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku
joogaan dalka Talyaaniga ayaa maanta booqday Jaamacadda Napoli oo ku taala
magaalada Napoli halkaasi oo qeyb ka mid ah Afka Soomaaliga wax looga
barto ilaa heerka ugu sareeya waxbarasho jaamacadeed.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdiga la socda waxa ay ugu
horeyn booqdeen qeybaha kala duwan ee dhismaha Jaamacadda ayagoo si gaar
ah u booqday halka ay ku keydsanyihiin buugaagta quseeya barashada
taariikhaha Islaamka,qaaradda Afrika iyo buugaag si gaar ah uga hadleysay
Afkeenna Hooyo iyo aas aaska barashadiisa kuwaasi oo Af-Soomaali ku qoran.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cusmaan Jawaari ayaa hool ku yaala gudaha Jaamacadda khudbad luqada Afka
Talyaaniga ah ugu jeediyey Boqolaal arday ah oo wadammo kala duwan u
dhashay waxaana uu khudbaddiisa uga hadlay xiriirka qotada dheer ee ka
dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga,sidoo kalena waxa uu maamulka
Jaamacadda Napoli ku booriyey iney sii wadaan Afka Soomaaliga oo wax lagu
barto.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay oo iyana khudbaddo luqada Talyaaniga ah
ka jeediyey islamarkaana ka jawaabay qeyb ka mid ah su’aallihii ay ardaydu
weeydiiyeen Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa xildhibaannada kala ah Prof
C/risaaq Jurile,Prof C/laahi Sheekh Ismaaciil,Dr Cusmaan Maxamuud Dufle
iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud.

Maalinnimada berrito ah gelinka dambe Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo
wafdigiisa waxa ay la kulmi doonaan Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool
dalkan Talyaaniga.

—DHAMAAD—

IMG_5662 IMG_5664 IMG_5666 IMG_5669 IMG_5671 IMG_5673 IMG_5676 IMG_5677 IMG_5691 IMG_5692 IMG_5696 IMG_5700 IMG_5704 IMG_5747 IMG_5750 IMG_5791 IMG_5792 IMG_5793 IMG_5797 IMG_5798 IMG_5800 IMG_5801 IMG_5806 IMG_5807 IMG_5809

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker