Daawo: Safiiro u dhashay Sierra Leone oo la kulmay Jaaliyada Soomaalida Columbus Ohio.

0

Columbus, OHIO (AGGM): Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus ayaa kulan la qaadatay masuuliyiin ka socota dalka Sierra Leone, kuwaas oo ay jaaliyada isla soo qaadeen xariirka labada dal iyo sida jaaliyadaha labada dhinac ee ohio ay u yihiin kuwo leh xariir dhow.

Safiirka wadankan Maraykanka u fadhiya dowlada Sierra Leone Ibrahim Conteh iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Ambassador Umaru Wurie oo 26 dal ka soo noqday safiir iminkana ah Safiir Guud oo saldhigiisu yahay magaalada Freetown ee dalka Sierra Leone, iyo xubno kale oo ka socday jaaliyada dalkaasi ee ku nool Columbus ayaa waxa ay si weyn u amaaneen jaaliyadaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan, iyaga oo xusay in xariir dhow ay la leeyihiin Soomaalida oo ah dad ay aad isku fahmaan.

Labadan masuul ayaa waxa ay jaaliyada Soomaaliyeed ka dhagaysteen fariimo ay u farayeen Ciidamada Sierra Leone ee ku sugan dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan Jubbada Hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com