Dhageyso+Daawo Sawirada: Dhacdo Naxdin Leh, Wiil Soomaaliyeed Oo Hooyadiis Ku Dilay Dalka Denmark.

0

Copenhagen (AGGM): Dhacdo naxdin iyo murugo leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday dalka Denmark ka dib markii uu wiil dhalinyaro ah uu hooyadiis si arxan daro ah uu u dilay oo mindi ula dhacay xilli ay guriga kula sugnaanyeen ilaa iyo 6 caruur oo walaalihiis ah kuwaas oo maqlaayey qeylada iyo cabaadka ka baxaayey hooyadood xilli uu wiilkeedu uu mindiyeeynaayey oo uu dilaayey. 

Dhacdadaan naxdin iyo argagax leh oo ka dhacday xaafad ku taala waqooyiga magaalada Copenhagen ee caasimada dalkaas Denmark ayaa waxaa la sheegay in wiil lagu magacaabo Fu’aad Maxamed oo 20 sano jir ah uu si arxan daro ah uu u dilay hooyadiis oo la sheegay inay da’adeedu ay ahayd 42 sano jir, Wiilkaan ayaa hooyadiis waxaa uu dhowr jeer si xun ula dhacay mindi iyadoona ay wiilka iyo hooyadiis ay qol ku wada sugnaayeen, Laakiin caruurta la dhalatey wiilkaas oo qolka banaanka ka joogaya ayaa waxay maqlayeen cabaadka iyo qeylada ka dhacaysay hooyadood iyadoona markii uu wiilkaas dilay hooyadiis uu goobtaas ka baxsaday oo uu cararay, Gabar ka mid ahayd gabdhaha la dhashay wiilkaas ayaa waxay ugu gashay qolka hooyadeed oo uu dhiigu korkeeda wada qariyey iyadoona ay hooyadu ay isla goobtaas ay ku geeriyootey.

kil kil2

kil1

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com