Dhageyso+ Akhriso Magacyada: Nabadoon Cabdi Warsame Gurux ” Beesha Sade Waxaa Looga Dilay Loogana Dhaawacay Magaalada Kismaayo”.

0

Muqdisho (AGGM): Xasuuqa ka socda magaalada Kismaayo ayaa ah mid aan haba yaraato’e  la qarin karin, Waxaana dilal qorsheesan loo geeystay Odoyaal dhaqan, Waxgarad, Aqoon yahano, Ganacsato, Arday iyo Haween oo Dad rayid ahaa oo ka soo jeeda Beesha SADE oo ku sugnaa gudaha magaalada Kismaayo, dilkooda iyo dhaawacooda ayaa waxaa si bareer ah u geeystay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Magacyada dadka la dilay iyo kuwa la dhaawacay ayaa waxaa ka shaaciyay warbaahinta horteeda akhriyay Nabadoon Cabdi Warsame Gurux oo kamid ah golaha odoyaasha dhaqanka rug cadaaga ah ee beesha Sade ee  deegaanada Waamo.

Nabadoon Cabdi Warsame Gurux ayaa waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan dad  aad u fara badan oo marki ugu war dambeeysay  eheladooda lagala baxay guryahooda, balse ilaa hadda aan la ogeeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Dadkan la Xasuuqay ayaa waxa ay isugu jiraan, Odoyaal dhaqan, Waxgarad, Aqoon yahano, Ganacsato, Arday iyo Haween, intaasi waxaa sii dheer dhaca hantida,xariga, kufsiga iyo barakicinta baahsan ee ka socota magaalada Kismaayo.

Halkaan Ka Dhageyso Nabadoon Cabdi Warsame Gurux.

Halkaan Hoose Ka Akhriso Magacyada Dadka Looga Dilay Iyo Dadka Looga Dhaawacay Beesha Sade Magaalada Kismaayo.

 

Halkaan guji ka akhriso, ka dhageyso, ka daawo Warsaxaafadeedka Golaha Nabada Iyo Midnimada Gobolada Jubbooyinka.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com