Dhageyso: Aqoonyahan Idiris Xasan Faarax “Cabdiwali Waa Durbaan Uu Garaayo Ina Cabdi Afeey, Awoodna Ma Lahan Waa Damiir Laawe, Ma Naxe Ah”.

0

Qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa isa soo taraya jawaabaha kulul ay ka bixinayaan safarkii fashilmay ee raisul wasaare Cabdiwali ee Kismaayo.

Aqoonyahanka Idiris Xasan Faarax oo kamid ah aqoonyahana qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa isagoo ku sugan dalka Finland wuxuu sheegay in raisul wasaaraha uu yahay durbaan uu garaacayo Ina Cabdi Afeey.

Idiris ayaa sheegay in raisul wasaaraha uu u damqan waayay umada Soomaaliyeed iyo gaar ahaan dadkiisa maalin walba lagu laayo gudaha Kismaayo, oo ay arrintaas tahay ayaan daro weyn.

Aqoonyahankan ayaa sheegay in Maxamed cabdi Afeey uu doonayo inuu caburiyo umadda deegaankaas, islamar ahaantaasna Axmed Madoobe uu yahay maafiyo, loo soo dirsatay in uu iibsado dalka.

Halkaan Ka Dhagayso wareysi xiis badan oo wax badan kuu iftiimin doona.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com