Dhageyso: Col. Bare Hiraale “Maxamed Cabdi Afeey Waa Nin Beshiisa La Saftay, Waxuuna Ka Mid Yahay Kenyatiga Ku Haya Beeshiisa Kismaayo”.

0

Kismaayo(AGGM): Gudoomiyaha Golaha Midnimadda Jubba Col Bare Aadan Shire ” Hiiraale ” oo hadda warbaahinta BBC-sida Qaybteeda Afsoomaaliga u waramayey ayaa shaaciyey inuusan aqoonsaneyn arrimihii ka socday Magaalada Kismaayo,waxaana uu shaaciyey in arrintaasi ahayd mid lagu qancinayey dad xoog ku jooga kismaayo isla markaasna aan u dhalan degaanada Jubooyinka.

Col Bare Hiiraale oo BBC-du xiriir la sameysay ayaa eedeyn kulul u jeediyey Maxamed Cabdi Afay oo ah Wakiil IGAD u qaabilsan arrimaha soomaaliya,waxaana uu daboolka ka qaaday inuu Maxamed Cabdi Afay uu garab taagan yahay Beeshiisa ka soo guurtey Kilinka 5-aad & Gaarisa Guubaay.

Col: Bare Hiiraale waxaa uu Yiri ” Maxamed Cabdi Afay Cago Jugleyn iyo dig dig aniga waxba igama qaadi karo,mana ahi qof u jilicsan bootadda Soomaaliday, Ina Cabdi Afay maaha Soomaali waxaa uu ka soo jeedaa Dalka Kiiniya Muxuu aniga ii sheegayaa hadii uu beel ahaan u tageerayo maleeshiyaadka uu ka soo aruuriyey kilinka 5-aad & Gaarisa Guubay soo dhawaw baan leenahay waxaad qaado waan arki doonaaye”.

Col Bare waxaa kale oo uu yiri ” Ina Cabdi Afay lama yaabin,waayo waxaa uu doonayaa inuu qabiilkiisa u hiiliyo balse waxaan la yaabanahayh kooxaha shilimaadka qaatey ee daba socda Ina Cabdi Afay iyo Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana taasi tahay mid lala yaabo”.

Ugu dambeyntii Col Bare Hiiraale waxaa uu daboolka ka qaaday inaysan jirin cid uga amar dambeynayo arrimaha Jubooyinka,waxaana uu sheegay inuusan Ina Cabdi Afay Ahay Maxkamadda Sare ee dalka Soomaaliya bals euu IGAD wakiil u yahay,waxaana uu sheegay inuusan ahayn nin u joojinaya hanjabaad koox uga timaada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com