Dhageyso: Col. Barre Hiiraale oo gaashaanka u daruuray ergo ku sheeg ay u direen Axmed Madoobe, Fartaag iyo Cabdiwali Sheekh Axmed.

0

Goobweeyn (AGGM): Wafdi isugu jira qeybaha bulshada oo daacad u ah maamulka Axmed Madoobe oo sida warar hoosaad ay noo sheegayaan ay abaabuleen Axmed Madoobe, Fartaag iyo ra’isul wasaaraha aya lagu soo waramaya in ay ciidamadii dawlada ee uu horkacayy col Barre Hiiraale ay kal kulmeen waji gabax.

Waftigaas oo xogtiisa ay horey u heleen ciidamada qaranka ee duleedka Kismaayo ku sugan ayaa lagu sheegay inay ahaayeen shirqool, la doonayo in ciidamadaas loo hoosgeeyo hoggaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe.

Ciidamada iyo dadka deegaanka Goo boo iskaashanaya ayaa u diiday ciidamadaas inay doonyo ku soo galaan goobweyn maadaama ay wadada halkaas uga dhawdahay.

Barre Hiiraale oo ah muwaadin Soomaaliyeed haddana horkacaya ciidamada qaranka ee Jubbaland ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wada hadal balse uusan dhag jalaq u siin doonin shirqool kasta oo ay soo maleegaan Axmed Madoobe iyo kooxdiisa.

Mid kamid ah ergadaas ay dirsadeen Axmed Madoobe iyo Fartaag oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf ayaa iigu waramay qadka teleefoonka Kismaayo xilli ay magaalada dib ugu soo laabteen kaddibmarkii uu ku gacansayray Barre Hiiraale.

Maankeey Aalloos
Kismaayo, Jubbada Hoose

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com