Dhageyso: Geele Saliid Oo Jigjiga Ku Dhashay Ayaa Col. Barre Hiiraale Oo Ku Dhashay Ciida Soomaalida Xorta Ahayd U Hanjabaya. Aduunoow Ba’a.

0

Muqdisho (AGGM): Geele Maxamed Aadan ‘Geele Saliid’ Geele Saliid oo ka soo jeeda beesha Absame balse ku dhashay deegaanka Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoopiya ayaa ugu hanjabay Col Barre Hiiraale in uu yahay qofka nabada deegaanadaas hortaagan.

Geelle Saliid oo hadda ah wasiir ku xigeenka koox beeleedka Raaskambooni oo horey u soo noqday xildhibaan baarlamaanka Soomaaliya ayaa kamid ah dadka xiriirka isku xirnaanshaha ee dhaw la leh hogaamiyaha Koox beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe, waxaana uu kamid ahaa wafuud dhawaan halkaas u raacay Axmed Madoobe oo kala soo qeybgalay xuska maalinta qawmiyadaha.

Geele ayaa isaga oo Ku sugan jigjiga ka hadlay isbadalada iyo horumarka deegaanka soomaalida ka curtay, wuxuuna wareysi uu isagoo Jigjiga ku sugan amaan kula dhacay DDS ee Itoopiya, wuxuuna sheegay xusuustiisii Jigjiga oo uu ku dhashay.

Waraysiga Gaar ah oo uu siiyay shabakada wararka ee jigjigaawi Horjoogahaan oo si nafla caarinimo ah u hadlaya ayaa wuxuu kamid yahay dadka sida aadka u isticmaala qabyaalada isagoo ku goodinaya qabyaalad hoos ka dhageyso.

Dhageyso Horjooge Geele oo hanjabaya

Dhageyso Qabyaalada uu maalin walba idaacadaha la taaganyahay horjooge Geele Saliid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com