Dhageyso: Guddoomiyaha Gobolka Gedo Kaliil ”Axmed Madoobe Wax Naga Dhexeeya Ma Jiraan, Jabhad Qabiil Oo Raaskambooni la yirahdo Ayuu Hoggaamiyaa, Maamulna Kama Jiro Kismaayo, Waxaa Ka Socda Xasuuq”.

0

Garbahaareey (AGGM): Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda Somaaliya Max’ed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in Axmed Madoobe ay u yaqaanaa nin jabhad qabiil hoggaamiya. Isagoo timaamay in aysan aqoonsanayn wax maamul oo ay dadka dhisteen oo deegaankaas ka jira.

Kaliil ayaa sheegay in laga xisaabtami doono Kooxda Raaskambooni oo uu sheegay in ay wado xasuuq ka dhan ah umada deegaankaas degan.Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin dhibaatada xad gudubka ah ee Magaalada Kismaayo ay ka geysanayaan Maleeshiyaadka Raaskaambooni oo tilmaamay inay soo duuleen.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda Somaaliya Max’ed Cabdi Kaliil ayaa ka codsaday dawlada Soomaaliya inay si deg deg ah ku soo farageliso xaalada halkaas ka taagan kaddibmarkii uu dhawaan ku guul dareystay Cabdiwali Sheekh Axmed oo si aan caddaalad ahayn arrimahaas u wajahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com