Dhageyso: Horjooge Cabdinaasir Seeraar ”Ciidamo Qaran Muqdisho Kama Jiraan, Dekada iyo Garoonka Diyaaradaha Ma Wareejin Doono”.

0

Afhayeenka Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa wareysi xasaasi ah oo ay la yeelatay wariye Xamdi Kadiye isagoo Nairobi kusugan waxaa sheegay warar badan oo xasaasi islamar ahaantaasina ka yaabiyey umad badan oo Soomaaliyeed.

Seeraar waxa uu sheegay in maleeshiyada Raaskamboonina ay yihiin halyeeyaal bilad in la guddoonsiiyo mudan, halka uu ciidamada qaranka Soomaaliyeed eek u sugan Muqdisho iyo beledweyne ku tilmaamay kuwa qabiil gaar ah u adeega.

Seeraar ayaa waxa su’aalaha la waydiiyay oo aad wareysiga hoose ka dhagaysan kartaan kamid ahaa, adinkoo wareysigaas dhagihiina ku dhagaysan doona.

Xaggee ku dambeeyay, maxaadse u fulin la’dihiin heshiiskii Addisababa?

Saw qalad ma ahayn in Axmed Madoobe uu wasiiro ku dhawaaqo, taana saw ma caddeynayso in heshiiskii Addisababa uu jabiyey?

Amaanka Kismaayo faraha ayuu ka baxay oo waxaa maanta Kismaayo loogu yeeraa “XEEBTII GEERIDA” maxaad wax uga qaban la’dihiin amaan darada iyo dilalka dadka rayidka ah loogu gaysto magaalada Kismaayo?

Kismaayo waxaa la sheegayaa in beel gaar ah ay xoog ku haysato, maamulkana ay iyada iyo inta ka dhag ay isku koobeen, waayo waxaan maqalnaa Seeraar iyo Axmed Madoobe oo kaliyah?

Adiga Seeraar ah iyo Axmed Madoobe waxaad ahaydeen rag maxkamadihii ka tirsanaa, adinkoo ku dagaalayay mabd’a ay maanta Alshaabab ku dagaalamayso, hadda sidee bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka idiin aami kartaa, waayo waxaa jira dad badan oo idinka shakisan?

Maxaa Raaskambooni ay u noqon la’dahay ciidan qaran, maxayse tahay Raaskambooni, yayse u adeegtaa?

Ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan, yay u joogaan Kismaayo, adigga Seeraar ah, mise Ahmed Madoobe, Mise AMISOM mise Dawlada, nook ala caddee?

Halkaan hoose ka dhagayso wareysigaas xiisaha badan oo wax badan kuu iftiimin doona ee HorjoogeCabdinaasir Seeraar Maax.


Maankeey Aalloos
Kismaayo, Jubbada Hoose

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com