Dhageyso: Dahir Shire Salaad ” Cabdiweli Sheekh Axmed Waa Nin Hal Dhinac Ku Fikir Ah Oo Aan Dhexdhexaad Ka Aheyn Arrimaha Jubbooyinka”.

0

Muqdisho (AGGM): Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulanka uu maanta beesha Sade la yeeshay Abdiweli Shiikh Ahmed kaasi oo looga hadlayey fashilkii ku yimid socdaalkoo uu dhawaan ku yimid magaalada Kismaayo.

Siyaasiga Dahir Shire Salaad oo ka mid ahaa xubnaha lagu casumay kulankaasi ayaa waxaa uu sheegay in Cabdiweli Sheekh qalad uu galay kadib uu hadda ugu yeeray sidii looga hadli lahaa xaalka Kismaayo iyo sida loo wajahay.

Waxaana uu sheegay inay Cabdiweli Sheekh Axmed u sheegeen inuu yahay nin hal dhinac ku fikir ah oo aan dhexdhexaad ka aheyn arrimaha Jubbooyinka.

” Abdiweli waa nin hal dheg leh. Waxaana dhegtaasi uu ku maqlaa hadalka Axmed Madoobe iyo garabkiisa aaminsan yihiin yihiin Jubbaland. Isaga oo aan garabka kale ee Goobweyn fadhiya u tixgelinin fikirkooda iyo taladooda ku aadan gobolladaasi” ayuu yiri Dahir Shire Salaad oo wareysi siiyey warbaahinta.

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay Gen, Ahmed Warsame Maxamed oo ka mid ah raga caanka ah saaxada siyaasada Jubbooyinka 23 sano ee dowlad la’aanta Soomaaliya aheyd. Waxaana Gen, Ahmed oo baryahan siyaasada ka gaabsan jiray uu maanta kulankan u yimid sida uu Abdiweli Shiikh ugu sheego qaladkiisa siyaasadeed ee Jubbooyinka.

” Ciidanka Axmed Madoobe hubka lagama dhigayo ee kuwa Barre Hiiraale ayaa hubka laga dhigayaa waa caqli liita oo aan ku dhisneyn siyaasad caafimaad qabta. Waxaana Cabdiweli Sheekh Axmed u sheegnay inuusan taasi xal ku heleyn” ayuu yiri Daahir Shire Salaad oo intaasi ku daray:

” Hub ka dhigista waa in loo siman yahay oo labada dhinacba laga dhigo, laakiin garab gaar ah in hubkiisa loo daayo oo waliba garabkaasi uu yahay mid gabood-falo badan geystay, waxay ina tuseysaa inuu jiro fashil siyaasadeed ay xukuumadda gobolladaasi kala kulmeyso” ayuu yiri Dahir Shire.

Kulanka uu Abdiweli Shiikh Ahmed la yeeshay siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidanka ee beelaha SADE ee ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa la isku dhaafsaday hadalo kulul oo dhabta ka hadlaya. Waxaana Cabdiweli Sheekh Axmed gacanta loo geliyey inuusan mahdin doonin qorshihiisa siyaasadeed ee Kismaayo, haddii uusan wax ka badelin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com