Dhageyso: C/rashiid Macalin Gaas ” Suldaan C/raxmaan Cabdi dhuux waxaa si barer ah u toogtay ONLF, Cabdiweli Sheekh Axmed Ayaana Shirqoolay”

0

Kismaayo (AGGM): Wararka Goorhdow naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay mid ka mid ah Salaadiinta ka qeyb gelaya Ololaha lagu heshiisiinayo dadka deegaanada Jubooyinka, kaasoo ka horyimid cadaalada darada iyo dhibaatada uu Axmed Madoobe ku hayo deegaankaas.

Suldaan Caamir C/raxmaan Cabdi dhuux ayaa Duhurnimadan lagu dilay Magaalada waxaana dilka Suldaanka Geystay Ciidamo ka Amar qaata Maamulka ONLF ee Kismaayo ka jira u xaqiijiyay dilka Suldaanka C/rashiid Macalin Gaas oo ka mid ah Salaadiinta la socday nin manta lagu dilay Kismaayo.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Suldaan Gaas in Dilka halka uu ka dhacay ay ku Sugnaayeen Ciidamada Kenya isla markaana ciidamada Dilka geystay ay iska dareereen markii ay dileen Suldaanka kedib.

Sudaanka ayaa ka mid ahaa Salaadiinta ka tegay Muqdisho kuwaas oo halkaasi u gaaray in ay ka qeyb qaataan wadaxaajoodka Arimaha Jubooyinka balse ay maanta la dilay kaddibmarkii la shirqoolay oo uu shirqoolay Horjooge Cabdiwali Sh Axmed.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso SuldaanC/rashiid Macalin Gaas

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, Bahda Warbaahinta Allgalgaduud Media Ayaa Dhambaal Tacsiyeed u direysa Dhamaan Beesha Sheekhaal iyo ehelada uu ka baxay Suldaan C/rashiid Macallin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com