Dhageyso: Odayaasha Kismaayo “Raisul wasaaruhu wuxuu nagu yiri ciidamada qaranka Soomaaliyeed waa in hubka ay u wareejiyaan Axmed Madoobe.

0

Kismaayo (AGGM): Raisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo magaalada Kismaayo ku sugnaa tan iyo maalintii sabtida ayaa waxaa socdaalkooda ku gadaaman fadeexad weyn taasoo timid kaddibmarkii Raisul wasaaraha Cabdiwali Sheekh Axmed uu si indho la’aan ah isaga indha daboolay xaqiiqada baahsan ee ka jirta magaalada Kismaayo iyo xasuuqa loo gaysto beel kamid ah beelada degan gobolada Jubbooyinka.

Raisul wasaaraha ayaa lagu soo waramayaa in beeshiisa uu ku iibsaday kursi iyadoo uu doonayo in kooxda Raaskambooni uu u sharciyeeyo dilalka ay u gaysato dadka shacabka ah. Axmed Yaasiin Daabweyn oo kamid ah dadka siyaasada gobolada Jubbooyinka ka faallooda ayaa sheegay in Raiisul wasaaraha uusan madaxda Raaskambooni la soo qaadin sababta ay u fulin la’yihiin heshiiskii 27 August 2013ka ay magaalada Addisababa ku soo wada galeen dawlada Soomaaliya iyo kooxda Raaskambooni, isagoo taa badelkeeda ay madaxda Raaskambooni ka dhaliyeen Gool ay waligood sugayeen, kaasoo ah in ciidamada qaranka Soomaaliya ee ay sharaf xumeeyeen ciidamada Kenya la hoos geeyo maamulka Jubba ee uu madaxda ka yahay hoggaamiyaha Raaskambooni.

Odayaal kamid ah beelaha dibada magaalada ay uga saareen ciidamada Kenya oo uu ra’isul wasaaruhu la soo hadlay ayaa sheegay in Raisul wasaaraha Soomaaliya Pro Cabdiwali Sheekh Axmed uu amar ku siiyey in ciidamada qaranka ay hubkooda soo xareeyaan, ayna hoos tagaan hoggaamiyaha Raaskambooni.

Halkaan ka dhagayso wareysi aad kaga xog bogan doonto arrintaas lama filaanka ah ee ka soo yeertay Raisul wasaaraha Soomaaliya  Cabdiwali Sheekh Axmed .

Odayaasha waxa ay kala yihiin Nabadoon Cabdirashiid Macalin Gaas iyo Suldaan Maxamed Cali Dhuubow.

Sawir odayaasha
Maankeey Aalloos
Kismaayo, Jubbada Hoose

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com