Dhageyso Been-tan: Ex Danjire Sandheere “Ciidamada Amisom Ee Kenya Waxa Ay Dalbadeen In Ciidamada Soo Galaya La Baro Xuquuqul Insaanka Mudo 14 Maalmood Ah Iyo Ciidamada Goobweyn Beri Ayay Soo Galyaan Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Ex Danjire Sandheere oo asagu ka mid ahaa kooxda la socotay Cabdiweli Sheekh Axmed ee maalmahan ku suganaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Warbaahinta uu uga waramay wararkii ugu danbeyay Iyo wadahadaladii ka socday Magaalada Kismaayo.

Sandheere ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamadi la filayay maanta in ay soo galaan Magaalada Kismaayo ay baqdeen waxaa sido kale usan sheegin sababta ay ciidamadani u baqdeen, waloow aanu xaqiiqdeeda oganahay in dhamaan wadahadaladi socday lagu kala tagay.

Mr. Sardheere ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Amisom ee ka socda dalka Kenya ay codsadeen in Ciidamada soo galaya Magaalada Kismaayo mudo 14 bari ah la baro Casharo ku saabsan Xaquuqul insaanka iyo arimo kale oo ku sabsan Ciidamada.

Dadka badan kiis ayaa waxa ay is weeydinayaan waxa ciidamada Kenya ay u bari la yihiin casharadan ku sabsan xaquuqul insaanka Jabhada ay saxiibka dhow yihiin ee Raskambooni iyo ciidamadooda oo ayagu tacadiyo ka dhan ah shacabka Kismaayo maalin walba geeysta.

Dhinaca kale Col. Bare Hiiraale ayaa maanta waxa uu wareysi siiyay idaacada VOA waxa uuna sheegay inaysan aqbaleeyn waxa uu wado Cabdiweli Sheekh Axmed iyo kooxda uu ku biiray, halka wareeysiga Ex Danjire Sandheere-na uu leeyahay ciidamadi Col Bare  beri ayay gudaha u soo galayaan magaalada Kismaayo, taa oo ku tusaysa beentu inay xalaal u tahay kooxda uu hogaamiyo  horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed. Halkan Hoose  Ka dhageyso wareeysiga Col. Bare Hiiraale Uu Siiyay VOA.

Isku soo wada duuboo warkan ka soo yeeraya kooxda Cadbiweli Sheekh Axmed ayaa waxa uu yahay mid lagu qoslo oo xataa haddii ilmo 2 jir ah loo sheego uu si aad iyo aad ah ugu qoslayo, balse ma kooxdan ayaa ah kuwo aan ka xishoon beenta, meel xun jooga iyo hadal xun sheeg waana caadadooda.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Ex Danjire Sandheere.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com