Dhageyso “Shalay iyo Maanta”Maxaan R/wasaare Cabdiwali Ka Qornaa”?

0

Mudane ra’isul wasaare Cabdiwali Sh Axmed, waxaa aad iiga yaabiyey hadalo kala duwan oo aad labo maalmood gudahooda ka sheegtay magaalada Kismaayo ee aad hadda ku sugantahay, taasoo run ahaantii igu noqotay la yaab maadaama aad tahay masuulkii labaad ee waddankeena ugu sareeyay sidaas darteedna hadaladaada laga doonayo inay saafi ka ahaadaan dareen gaar ahaaneed iyo mid rabitaan ama doonitaan adiga kugu jira.

Mudane aniggoo sharaf u haya xilka aad waddankaan u hayso, uuna mudanyahay mid loogu wada shaqeeyo umada Soomaaliyeed si siman, haddana waxaan maalmahaan la socday warbaahinta sida Allgalgaduud,com oo warar safarkaaga ku saabsan soo tabinayay iyo waxyaabaha ku gadaaman.

Haddii aan u soo dhaadhaco dulucda warkeyga waxaan jeclaaday inaan umada Soomaaliyeed ee jubbooyinka iyo kuwa kale ee Soomaaliyeed aan la wadaago codkaagii shalay markii aad Kismaayo ka soo dagtay aad sheegtay iyo kii maalin kaddib aad isla Kismaayo ka sheegtay. Waxaana jeclaan lahaa inaan su’aashaan ku waydiiyo.

Mudane Raisul wasaare Maxaan kaa qornaa “Shalay iyo Maanta Kismaayo waa qurxu badan tahay iyo burbur baa ka muuqda” Keebaan kaa qornaa, keebaase run ah, keebaase been illeen labaduba ma wada socon karaan laba maalmood oo isku xiga gudahood? Taas adiggaan kuu daynayaa jawaabteeda.

Umadda Soomaaliyeed ayaan jeclaan lahaa inaan la wadaago codadkii shalay iyo maanta bal in ay isku miisaamaan ninka aad tahay.

Halkaan ka dhagayso codadkii shalay iyo maanta.

Muwaadin Soomaaliyeed

Dr Cabdisahal Yaasiin
Kismaayo
Guulwade

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com