Dhageyso+Fadeexad: Wasiir ku Xigeenka Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska Maxamed I. Shuuriye Oo Been Qaawan Ka Sheegay Arrimaha Jubooyinka Kuna Hadlay Afka Beeshiisa Ogaadeen.

0

Kismaayo(AGGM) Kooxda uu horboodayo Cabdiweli Shiikh Axmed isla markaasna ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta jubadda hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay warbaahinta la hadlayey isla markaasna siinayey warar been abuur ah oo ay doonayaan inay shacabka soomaaliyeed ku marin habaabiyaan.

Wasiirku ku xigeenka hawlaha guud iyo Dib U Dhiska Oo Lagu Magacaabo Maxamed Ismaaciil Shuuriye isla markaasna ka mid ah kooxda Jabhadda Raaskambooni tageersan isla markaasna doonaya inay meel mariyaan Rabitaanka Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa sheegay in shirkii kismaayo ka socday lagu heshiyey.

Shuuriye oo uu muuqdo shilinka ay siinayaan Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa ku ceeboobay war uu siyey warbaahinta VOA qaybteeda Afsoomaaliga oo uu sheegay inay xal waara ka gaareen arrimihii jubooyinka balse Warbaahinta VOA waxaa hore ula xiriiray Col Bare Aadan Shire oo ah ninka ay ka go,do masiirka iyo maamulka jubooyinka.

Dhinaca kale Wasiirku ku xigeenka hawlaha guud iyo Guryeynta Oo Lagu Maxamed Ismaaciil Shuuriye ayaa waxa uu ka soo jeedaa beesha Ogaadeen ee maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo  waxaa sii xoogeysanaya jabka iyo jahwareerka soo food saaray Horjooge Cabdiweli Shiikh Axmed oo isagu ku sifoobay nin ilaashada danihiisa gaarka ah,waxaana isaga iyo kooxdisu noqdeen kuwo saxafada u sheega warar is burinaya isla markaasna u muuqda inay ku jabeen hawlgaladii ay ku tageen Magaalada Kismaayo.

Halkan Ka Dhageyso Beenta Wasiir Shuuriye

10261891_755771367790963_1678831408_n

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com