Dhageyso: Xaggee Cabdiwali Sheekh ka qaldamay? Bal dhagayso qodobadii heshiiskii Addisababa oo kooban, waxbadan oo aadan ogeyna kuu iftiimin doona.

0

Kismaayo (AGGM): Iyadoo Cabdiweli Sheekh Axmeduu Magaalada Kismaayo ka wado qorshe ku aadan in dib loogu soo celiyo Magaalada Kismaayo ciidamadii qaranka Soomaaliyeed ee uu horkacayay Col Barre Aadan Shire Barre Hiiraale, ayaa waxaa soo baxaya in Cabdiwali uu tuntuntay qodobadii heshiiskii Addisababa, iyadoo uusan ra’isul wasaarahu uusan dib u heshiisiinta u abaarin habkii ay dawladii ka horeysay u jeexday.

Xubno ku dhaw-dhaw Barre Hiiraale ayaa sheegay inaysan marnaba dooneyn dib ugu noqoshada Magaalada Kismaayo, si ka baxsan hanaankii dawladii Dr Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ay u jeexday.

Cabdiweli Sheekh Axmed oo ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada hoose ayaa hada wada dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii dib loogu soo celin lahaa Col Barre Hiiraale iyo ciidamadii qaranka Soomaaliyeed balse taas ayaa waxa ay u muuqataa mid cimrigeedii uu dhamaaday maadaama sida ay sheegeen dadka siyaasada ka faalooda uu ra’isul wasaaraha u abaaray xalka Kismaayo si ka baxsan heshiiskii Addisababa.

Xaggee Cabdiwali Sheekh ka qaldamay? Bal dhagayso qodobadii heshiiskii Addisababa oo kooban, waxbadana kuu iftiimin doona.

Maankeey Aalloos

Kismaayo, Jubbada Hoose

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com