Dhageyso:Ciidamada AMISOM oo lagu Eedeeyey in ay Marka Dad Shacab ah ku Dileen

0

Marka(AGGM):Shalay Magaalada Marka ee Xarunta Shabellaha Hoose waxaa ka dhacay Qarax loo dhigay Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in Magaalada ay Dad Shacab ah ku laayeen,kadib markii Qaraxa loo dhigay ay Rasaas Dhankasta u Rideen.

Gudoomiyaha Degmada Marka Max’ed Cismaan Yariisow oo Warbahinta  la hadlay ayaa sheegay in ugu yaraan Rasaasta ay Fureen Ciidamada AMISOM ay Dishay Labo

Ruux 5 kalena ay Dhaawacday.

Yariisow ayaa intaa ku daray in AMISOM aysan Xaq u laheyn in ay Xasuuqdo Shacabka Soomaaliyeed,oo awalba Dhibaato ay Al-shabaab ku hayaan la Daala dhacayey.

Halkaan Hoose ka dhageyso