Dhageyso+Daawo:Ciidamada Nabadsugida oo Soo bandhigay Koox ka tirsan Al-shabaab

0

Muqdisho(AGGM):Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigtay qaar ka mida gacan ku dhiiglayaashii dilay gabar Soomaaliyeed oo lagala baxay Gurigeeda oo ku yaalay dhabarka dambe ee Warshadda Coca Cola  ee Degmadda Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir.

Nafiso Cismaan Salaad waxay ahayd Ardayad dhawaan ka qalin jabisay kuliyadda Kalkaalisonimadda ee Jaamacadda Soomaaliya ee UNISO, waxay ahayd Gabar Curdun ah oo wax u baratay Dalkeeda iyo Dadkeeda, ha yeeshee Maleeshiyaad aan ka diir nixin daadinta Dhiiga Shacabka ayaa xilli fiid ah kala baxay gurigeeda,  iyagoo ku hor watay waalidkeed oo si qasab ah ay isaga reebeen, waxayna ku dileen meel aan guriga ka fogayn, halkaasoo ay kaga tageen Maydka Nafiso oo goor dambe ay ehelkeedu soo qaateen. Waxayna dhacday dhacdadan taariikhdu markeey ahayd 6-4-2014.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2014/04/codka-nabad-sugifda-.mp3

1 vlcsnap-2014-04-20-15h22m46s1091 vlcsnap-2014-04-20-15h23m11s1212