Dhageyso+SawiroMasjidka Khadiim-ka ee Magaalada Baladxaawo oo dhismahiisa Qeybta 1aad la soo gabagabeeyey iyo Codsi.

0

Baled Xaawo (AGGM): Masjidka Khadiim oo ah midka ugu weyn Magaalada Baladxaawo uguna khadiimsan ayaa waxay howsha dhismahiisu ay soctey mudo ka badan ilaa 9 bilood,iyadoo Xafladii lagu furayey Masjidkana ay ka soo qeyb galeen dad tiradoodu lagu qiyaasey ilaa 2500 oo ruux oo ka kala socdey qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Baladxaawo.

Sheekh Cabdulaahi Qaaje oo ka mid ah Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiim ee Baladxaawo ayaa sheegay dhismaha Masjidka in uu u gudbay wejigii labaad ee Dabaqa oohadda maraya meel wanaagsan,isagoona sheegay in xilligan lagu tukado Masjidka qeybta hoose oo loo dhamaystirey dhamaan waxii Qalab ah ee loo baahnaa,maadama masjidka uu ku yaalo bartamaha magaalada.

“Masjidkani oo ku fadhiya dhul cabirkiisu uu dhan yahay 40mt*40mt,islamarkaana loo qorsheeyey hal dabaq in xilligani salaadaha qeybta Hoose ay ku tukudaan markiiba dad ka badan ilaa 2500-2350 oo ruux,waxuuna u mahadceliyey Jaaliyadaha Soomaalida ee dalka dibadiisa iyo gudahaba in ay dhismaha masjidka ku bixiyeen dhaqaalo aad u tiro badan,haatana ay ka codsanayaan dhamaan dadka muslimiinta in ay ka qeyb qaatan dhamaystirka Masjidka sidaasi waxaa yiri Sh.C/laahi Qaaje

Sidoo kale C/rashiid Qudus oo ka mid ah Gudiga Masjidka Khadiim ee Baladxaawo ayaa tilmaamay dhismaha Masjidka oo lagu sameeyey dib u dhis iyo balaarin Qeybta hoose ee hadda la dhamaystirey,laguna tukado in ay ku baxdey lacag dhan ilaa $180,000 oo Dolar,halka qeybta Dabaqa ah oo dhismahiisu hadda ay socoto ayuu sheegay in ay ku bixi doonto lacag dhan ilaa $90,000 oo Dolar,taasoo bixinteeda ay ka rajeynayaan dhamaan dadka muslimiinta ah ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibadiisa.

Gudiga Masjidka Khadiim ee Baladxaawo ayaa ugu dambeen waxay ka codsadeen dhamaan dadka muslimiinta ah ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibadiisa in ay ka qeyb qaataan dhamaystirka masjidka oo maraya marxaladahii ugu dambeeyey,ayna ku bixiyaan dhaqaalo,iyagoona sheegay in ay jiraan baahiyo kale ee Masjidka sida sida sameynta Musqulo iyo Baraago lagu weyseysto.

Sadaqo waa waxa ugu qiimaha badan mida xitaa marka aad dhimato ka gadaal uu ajarkeeda uu kuu soconayo oo ah sadaqada jaariyada ah sidii Nabigeena (SCW) uu ku sheegay xaddiithka saxiixa ah.

FG: Si waxii aad Sadeqaysan kartid aad u bixisid la xariir Telefonadan Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiimiga ee Baladxaawo iyo Emailkan:

1- Sheekh C/laahi Qaaje, Tel. 0615851497
2- Sheekh Yaasiin Aadan, Tel. 0615833204
3- C/nuur Xuseen Xasan, Tel. 0723838854/0615554589
4- C/rashiid Qudus, Tel. 0714142078/0615557664
5- C/laahi Sheekh Cismaan, Tel. 0615568885.
Ama kala xariir Emailkan: afgooye500@gmail.com

2 11 3 9_1 12 10 1 8 5 9 4

Axmed Cumar Saalixi
Baardheere/Gedo
Saalixi225@hotmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com