Dhageyso+Sawiro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynaha Burundi

0

Muqdisho(AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta soo dhoweeyey Madaxweynaha Brundi, H.E. Pierre Nkurunziza, oo uu yiri “Ciidanka Burundi ee AMISOM waxey kaalin muhiim ah ka qaateen horumarka isbedelka Somalia.”

Madaxweynaha Brundi ayaa maanta sidoo kale kulan la qaadan doono Taliyaha ciidanka AMISOM Lt. General Silas Ntigurirwa, isagoo booqan doono goobaha ciidanka Brundi joogaan.

Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan Madaxweynaha Brundi ku soo dhoweeyo Muqdisho. Ciidanka Burundi ayaa nala joogay tan iyo December 2007, mana illaabi karno dadaalkooda dib u soo celinta amniga Somalia iyo sida ay naftoodu ugu horeen oo ay dhiigooda noo hureen si dalka uu nabad u noqdo.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Mudadii ay ciidanka Brundi dalka ku sugnaayeen horumar ballaaran baa la sameeyey, Muqdisho oo kooxahii nabad-diidka laga saaray, oo maanta Muqdisho ay ku tallaabsatay horumar baaxad leh. Sidoo kale gobollo fara badan ayaa gacanta Al-Shabaab laga saran sida Baydhabo, Kismayo, Marka, Jowhar, Beledweyn, Xudur, iyo goobo kale. Ciidanka Soomaaliyeed iyo AMISOM ayaa ku howlan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa goobaha ay joogaan oo shacabka loo gaarsiin lahaa faa’iidada nabadda. Waxaa mahad gaar ah leh ciidamada Brundi iyo kuwa kale ee Afrika ee noo soo gurmaday.”

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday “Waxaan sii xoojin doonaa xiriirka labada dal, bacdamaa ay Somalia sameynesyo horumar isuna diyaarineyso in dalka ay doorashooyin ka dhacaan 2016. Waxaana mahad gaar ah u soo jeedineynaa wallaalaheen Brundi dowladooda iyo shacabkoodaba.”

DHAMAAD

 

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2014/04/war-hodan-madaxweynaha-burindi.mp3

brundi2

brundi3

brundi

brundi1

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia 
yarisow@presidency.gov.so engabdirahman@gmail.com

 

 Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com