Dib u Heshiisiintu Waxa Ay Qeyb Weyn ka Aheyd Hawlaha Horyaalla Dowladda Uu Hoggaamiyo Jaalle Xasan Sheikh Maxamuud, Laakiin Taas Waxa Ay U Muuqataa In Ra’iisul Wasaare Cabdi-weli Uu Geliyey Mugdi Weyn Iyo Shaki!.W/Q.Dr. Truman

0

Waxaan aad ula yaabay dad badanna Fajac gelisey Siyaasadda cusub ee uu Ra’iisul wasaare Cabdi-weli kala soo baxay Jeebkiisa asagoo si bareer ah u laalay ama u diidey fulinta Heshiishkii Addis-Ababa ee waddanka Ethiopia August 28/2013,heshiishkaas oo u dhaxeeyey Dowladda dhexe ee soomaaliya uu Hoggaamiyo Jaalle madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo Horjoogaha Kooxda Raaskaambooni Axmed Madoobe> Heshiishku ma ahan mid iska yimid ee wuxuu ka dhashay markii Horjooge Axmed Madoobe oo taageero siyaasadeed iyo mid awood ciidan ka helayey Dowladda Kenya uu dhabarka u jeediyey dowladda soomaaliya,taasna waxaay keentey in Ciidamada dowladda soomaaliya eek u sugnaa Kismaayo oo hoggaaminayo Col .Barre Shire Aadan iyo Kooxda Raaskaambooni taageero Ciidan ka helayey in dagaal ku dhex maro Magaalada Kismaayo ,Ciidamada dowladda ooh al dhinac ah,iyo Kooxda Raaskaambooniyiinta iyo Ciidamada Kenya oo is garabsanaya,taasna waxaay keentey iney Ciidamdii Dowladda iskaga baxaan Magaalada Kismaayo isla markaana ay saldhig ka sameysteen meel aan sidaa uga fogeyn Magaalada Kismaayo.

Ciidamada dowladda iyo saraakiisha hoggaamiya oo ugu horreeyo Col.Barre Shire Aadan oo awalba ahaa ciidamo qaran waxaay ku qasbaneeyeen amaba ku qanacsaneeyeen iney wax kasta oo dowladdu xal u aragto iney taageeraan sidaa awgeedna waxaay ku qanceen heshiishkii Addis-Ababa maadama ay dowladda soomaaliya dhinac ka aheyd heshiishkaas. Heshiishku wuxuu ka koobnaa 23 Qodob,haddii aan soo qaadano qodobada qaarkood sida ay u qoran yihiin iyadoo aanaan waxba ka bedelin si aan u ogaano In Ra’iisul wasaare Cabdi-weli si ula kac ah ama bareer ah ugu tagri falay arrimo asaga gooni u ah isla markaana nin qaswade soomaalidu wada taqaanno isla markaana hogaamiya koox Maleesiyo beeleed ah waa Axmed Madoobe ku naas nuujiyey taasna ma ahan wax qarsoon. Tusaale Qodobka -1 aad ,Firqaddiisa 1aad> In maamulka Jubbaland magaciisa laga dhigo maamul ku meel gaarka ah ee Jubba. In English this interim Administration shall be called the interim Jubba Administration.

Laakiin Cabdi-weli wuxuu ku cel celiyey Jubbaland,Jubbaland,Jubbaland! Taas waxaay muujineysaa in la jabiyey heshiishkii AddisAbaba Qodobkii koowaad mabdi ahaan iyo farsamo ahaanba. Waxaa kale oo ka mid ahaa heshiishka in shir lagu qabto Muqdisho, ka dibna Kismaayo,sida aan la socono shirkii xamar waa la qabtay, laakiin shirkii kismaayo weli lama qaban ilaa hadda waayo shirka kismaayo lagu qabanayo waxaa garwadeen ka noqonaya dowladda dhexe ee soomaaliya waa sida uu qorayo heshiishkii AddisAbaba.

Taas waxaa si cad uga baxay Axmed Madoobe.

Waxaa kale oo jirey kana mid ahaa heshiishka in magacaabidda golaha fulinta maamulka ay dowladdu talo ku lahaato taas ma dhicin waayo Axmed Madoobe asagaa jeebkiisa kala soo baxay dadka uu u magaacabay isla markaana wax talo iyo saameyn dowladdu kuma laheyn,shirkii muqdisho waxaa uu qorayey Road Map lagu dhaqan gelinayo waxyaabihii lagu heshiiyey AddisAbaba. Dhammaan arrimahaas oo dhan waxaa gees maray Horjoogaha Maleesiyaadka Raaskaambooni Axmed Madoobe waxaana ku taageeray si aan leexleexad laheyn Ra’iisulwasaare Cabdi-weli,taasna waxaay caddeyneysaa in Heshiishkii AddisAbaba iyo waxyaabihii ku qornaa in laqa soo qaaday mid aan waxba ka jirin. Haddaba su’aashu waxaay tahay sidee soomaaliya dib u heshiisiin looga sameynayaa,dowladduse habkee ayey dooneysaa iney u sameyso dib u heshiisiin taaba gasha,dadka soomaaliyeedse kalsooni intee le’eg bay ku qabi karaan dowladda,qaas ahaan Ra’iisul wasaare Cabdi-weli maadama uu ku fashilmay fulintii heshiishkii AddisAbaba markii uu kismaayo booqday kalana soo noqday gacmo maran.

Waxaan xasuustaa Ra’iisul wasaare Cabdi-weli ka qeyb galay seminar ku saabsanaaa Garsoorka kaasoo lagu qabtay Muqdisho,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa in shacabka soomaaliyeed iyo muwaadin kasta oo ah soomaali u baahan yahay inuu helo Garsoor iyo Caddaalad,laakiin su’aashu waxaay tahay Ra’iisul wasaare Cabdi-weli asagu ma ka sameeyey caddaalad iyo Garsoor xaq ah kismaayo? Jawaabtu waa maya aniga sida aan aaminsanahay wuxuuna sameeyey wax aan caqli gal aheyn dad badanna ay la yaaban yihiin hab dhaqanka Cabdi-weli. Malaha Cabdi-weli ma uusan fahmin in heshiishkii AddisAbaba ahaa mid asaga xukuumaddiisa ka horreeyey aheydna in loo fuliyo sida uu yahay iyadoo aan cidna lagu naas nuujin, waayo naas nuujin caddaalad iyo garsoor shaqo kuma lahan. Haddii aan fahano heshiish marka la isla gaaro ama la isku raaco wuxuu noqonayaa sharci isla markaana qasab ah in loo fuliyo sida uu yahay, ciddii fulin weyda ama isku dayda iney qalmaroojin ku sameyso waxaay noqoneysaa dembiile mudan tilaabo laga qaado,waxaana taas sida muuqata ku sifoobay Axmed Madoobe iyo kooxdiisa,wakiilka IGAD ee soomaaliya Afeey, Ra’iisul wasaare Cabdi-weli.

Sidaa awgeed waxaay arrintaan guracan wax ka qabadkeeda u taallaa Baarlamaanka soomaaliya waayo waxaay daawanayaan xalaado cakiran xalna u baahan, waxaana looga baahan yahay baarlamaanka soomaaliya inuu dib u eegis ku sameeyo Heshiiskii AddisAbaba iyo tilaabooyinka uu qaaday horjoogaha Raaskaambooniyiinta, wakiilka IGAD ee Soomaaliya Afeey,iyo Ra’iisul wasaaraha soomaaliya Jaalle Cabdi-weli oo la yimid feker aan ka shaqaneyn soomaaliya isla markaana kala fogeeynaya beelaha soomaaliyeed ee u baahan is fahan, is cafis,ku wada noolaanshaha nabad iyo dowladnimo.
W/Q.Dr Dahir Nur Jama ( Dr Truman)
Email. nuur_712345@outlook.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com