Dowladda Soomaaliya Oo Ka Dalbatay IGAD In La Bedelo Danjire Maxamed Cabdi Afeey.

0

Muqdisho (AGGM): Sida ay ku soo waramayaan ilo ku dhow dhow Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, dowladda Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Xassan Shiikh Maxúud ayaa qoraal ashtako ah oo ay u gudbisay Madaxda dowladaha ku bahoobay IGAD waxey kaga codsatay in la badalo Maxamd Cabdi Afeey.

Dr. Cabdirisaaq Cabdi Jaamac oo ka mid ah La-taliyayaasha Madaxweynaha oo u warmayey mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, wuxuu sheegay in Warqada IGAD loo diray oo uu ku saxiixnaa Madaxweyne Xassan Shiikh lagu hagaajiyey Xoghaynta IGAD, laguna eedeeyey Maxéd Cabdi Afeey isaga oo wakiil uga ah IGAD dowladda Kenya inuu isbarbar taagay Maamulka KMG ah ee uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe, wuxuuna u dhaqmay sida shaqsi ka mid ah maamulkaasi.

“Warqadan waxaa lagu sheegay in dowlada Somalia ay ka cabanayso wada shaqayn la’aanta ka dhex jirta Ergayga gaarka ah ee arrimaha Somalia u qabilsan urur Goboleedka IGAD Ambasador Maxamed Cabdi Afey iyo Dowlada Somalia, Warqadan waxaa kale oo lagu sheegay in Afeey uu ku dhex milmay siyaasada arrimaha Gudaha Somalia iyo waliba kala fogeynta beelaha Somaliyeed. Wuxuu u dhaqmayaa Afeey sida oday dhaqmeed, wuxuuna shirar la galay odayaasha dhaqanka, isaga oo beelo gaar ahna aflagaado u geysanaya” ayaa yiri Dr. Cabdirisaaq Cabdi Jaamac, wuxuuna xusay in dowladda Soomaaliya iyada oo ka jawaabeysa eedeymaya ka imaanaya beelaha degan Jubbooyinka in ay qaadatay goáanka ay ku dalbaneyso is-casilaada Afeey.

Dr. C/risaaq wuxuu kaloo sheegay in qoraalka IGAD in ay badalaan Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Somalia u qaabilsan Urur Goboleedka IGAD Ambasador Maxamed Cabdi Afey waxana sido kale Dowlada Somalia oo ayadu xubin muhiim ah ka ah Urur Goboleedka IGAD ay codsatay in Shaqsiga cusub ee lo soo magacaabayo Somalia in uu san noqon Shaqsi dhexdhexaad ka ah arrimaha Jubbooyinka.

Warqadan ayaa waxaa la garsiiyay Xafiiska Urur Goboleedka IGAD u ku leeyahay Magaalada Jabuuti ee Waddanka Jabuuti, Sidoo kale waa si gooni gooni ah Copy ka mid ah Warqadaasi logu diray Xafisyada Madaxweyneyaasha Uganda, Jabuuti, Kenya, Sudan, K/Suudaan & R/wasaaraha Itoobiya.

Warqadan ayaa waxa ku saxiixna Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud waxaayna ka soo baxday Xafiiska Villa Somalia.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com