Dulmiga ka Socda Kenya & Damiir xumida Soomaalida! WQ. Abuukar Cawaale “Qaad-diid”.

0

Tan iyo maalinkii uu bilaamay qafaalka foosha xun ee wata boobka dhaca iyo bahdilka loo geeysanayo Soomaalida ku nool Kenya ayaa waxaa isa soo tarayey guuxa iyo bulaankla kasoo yeeraya shacab weynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dunida afarteeda gees iyadoo ay weli socdaan mudaharaadyo iyo kulamo lagu dhiiro gelinayo sidii loo joojin lahaa waxuushnimada ka socota Kenya.

Dareenka shacabka ayaa la gilgiley waxaana la oran karaa waxaa la tijaabiyey damiirka dadka Soomaaliyeed,Kufsigii iyo bahdilkii foosha xumaa ee loo geystay gabdhaha Soomaaliyeed oo iyagoo xijaabkoodii xiran nimanka ajnabiga ahi ku jiirayeen dariiqyada Nairobi ama hooyada Soomaaliyeed ee weliba qofweyn ah oo sida arxaan darada ah loola dhaqmay laguna tuuray gaari dabadiis,haday kuwaasi ahaayeen kuwo loo dulqaadan karo waxaan marna la iloobi Karin wiilka yar ee 6da bilood jirey oo hooyadiis inta iyadoo ooyeysa laga kaxaystay guriga keligiis looga tagay , oohinta Ilmahaas saqiirka ayaa waxaa loo turjuban karaa ineey hadaaqiisii ugu danbeeyey uu ahaa (Tol beelayeey Yaa Soomaaliya) 4 maalmood kadibna la helay isagoo gaajo u dhintay ulaanka kasoo yeeraya shacab weynaha saqiirkaa ee Soomaaliyeed oo gaajo iyo haraadka u dhintay waxaan ku dhiiran karaa waa dil ulla kaca oo askarta Kenya u geeysteen ilmahaas saqiirka ah.

Hadiise aan wiilka yar oo saqiiray oo indhaha shacabka oohinta ka keenay kasoo gudbo, waxaan sidoo kale marna la iloobi karin Ilaaheey ha u naxariisyee Hooyo Saynab Bulxan oo ku dhimatay gacanta booliiska Kenya iyagoo weliba booliiska Kenya qariyey waxa hooyo Saynab ku dhacay.
Si kasta oo ay hooyadaasi ugu sheegtay booliiska Kenya ineey ilmo yar oo hurda ay qaadato oo aysan marnama ka tagin, ineey booliisku ka diidaan oo ilamahaas booliisku isla habeenkiiba god ku hubsaday.

lok

Waxaa kaloo intaas siidheer kumanaanka qof oo Soomaalida ah oo weli ku xiran xerada Karsaani oo aan anigu u bixiyey ( Xeradii Bah Dilka ) walaalahaas Soomaaliyeed oo si foolxun loola dhaqmay dhibaatooyin farabadana loo geystay ayaa waxaad ka garan gartaa hay’adihii caalimaga oo ay ugu UNHCR oo walaac ka muujisey sida loola dhaqmayo dadka Soomaalida ee Kenya, uguna baaqday dowlada Kenya ineey sida u dhaamaan masaakiinta Soomaalida ah, dhinaca dowladana iyadoo ay ay jiraan warar loo riyaaqay oo kasoo yeeraya xildhibaanada Soomaaliyeed ayaan marnaba la iloobi doonin Aamusnaanta Madaxweyne Xasan sheikh maxamuud sida uu afka uga dabooshay, indhaha isku qabsaday, dhagahana uga fureeystay qaylodhaanta kasoo yeertay Karsaani, ama Xeradii bahdilka, waxaanan oran karaa Madaxweynuhu wuxuu ku guul daraystay inuu fuliyo dhaartii uu maray oo ahayd inuu u adeego, daryeelana shacabka iyo maatada Soomaaliyeed, runtii arintaani waxay ahayd mid uu madaxweynuhu ku kasban karay kalsoonida shacabka, hadii uu u muuqan lahaa hogaamiye dhiiran oo difaacaya dadkiisa, waxayse noqotay lamood noqonse weyday.

Akhriste aan usoo noqdo duxda warqada oo aan ujeedadeedu ahayn eedayn kaliye ee ah wixii tegay tage ee maxaa hada la qaban karaa, ayaan sida aan ciwaanka warqadan ku xardhan isleeyahay waxaa la gaaray xiligii shacabka Soomaaliyeed ka jawaabi lahaayeen bah dilka loo geystay iyagoo si qorsheeysan ula xiriiraya Xildhibaanadooda si loo taageero Mooshinka loo riyaaqay ee la filayo in la keeno baarlamaanka hadii aan ballo kale isbaaro u dhigan shacabku waa ineey taageeraan xildhibaanadaas ka dhiidhiyey dhiiga Soomaalida ee la daadiyey, cawrada gabdhaheena ee banaanka la soo dhigay iyo oohintii lama ilaawaanka ahayd ee wiilkii 6 da bilood jirey oo saqiiray isagoo u ooyayay cid u miciinta.

Walaalayaal marna caqliga saliimka ahi ma ogola inaan dadkii saas inoo galay waa Kenya ee in aan diyaarado doolar ah maalin walba looga rarro wadankeena oo ay qashin darooga ah waa (Qaadka) noogu badalaan kaasoo la oran karo waa hub loo adeegsanayo in lagu seexiyo damiirka dadka Soomaaliyeed, waxaa kaloo shaki ku jirin qaadka oo aan sii cuno macneheedu waxa weeye waxaan dhaqaale ahaan u taageeraa howlaha foosha xun ee Kenya wado.

Gebagebadii waxaan boorinayaa oo si buuxda u taageerayaa qaar kamida Xildhibaanada Soomaaliyeed ee dowlada federaalka iyo ururada bulshada ee magaalada Muqdisho ka wada Mooshinka lagu xakamaynayo qaadka Kenya, waxaana leeyahay waxay taasi ka turjumeeysaa in weli damiirkii dadka Soomaaliyeed noolyahay.

Abukar Awale (QAAD-DIID)
Gudoomiyaha La dagaalanka Qaadka
www.qaaddiid.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com