Guuxa Muqdisho Iyo R/wasaare Cusub Oo La Hadal Hayo. Waa Kuma?

0

Muqdisho (AGGM):Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in bilaha fooda inagu soo hayo uu inagu soo wajahan yahay R/wasaare Cusub ka dib markuu xafiiska baneeyo Cabdiweli Sheekh Axmed oo kacdoon ka dhan ah si hoose hadda uga socdo magaalada Muqdisho.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa maamulka Puntland in ay wadaan dhaq dhaqaaq si xoowli ah ku socda oo ay ku doonayaan in leeyskugu soo dhaweenayo iyaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh si shaqsi ka soo jeeda Puntland uu xilka R/wasaarenimo u qabto.

Dhinaca kale waxaa jira iyana warar sugan oo sheegaya in mar horeba uu diyaar ahaa R/wasaaraha badalaya Cabdiweli Sheekh kaa oo lagu sheegay in uu yahay Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane.

Isku soo wada duuboo wararkan ayaa waxaa leeysa dhexmarayaa xarumaha loogu ololeeyo siyaasiyiinta amaba ragga doonaya inay qabtaan xilalka Dowladda Soomaaliya ee magaaalda Muqdisho, “Waxii Jiraba Cakaaro Ayay Imaan

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com