Holland: Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadamada Benelux Dr. Cali Fiqi oo Holland laga baafinayo.

0

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaareyso boqolaal, una badan dhalinyaro, dumar, hooyooyin & caruur ay dhibaatooyin kala duwan ku haysato waddanka Holland ayaa baafinaya safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya waddamada Benelux (Belgium-Luxenberg-Nederlands).
Soomaalidan oo qoraalo E-mail ah na soo gaarsiiyey waxeey sheegeen inkastoo ay dowladda Holland u diiday inay qaxootinimo u aqoonsato, haddana in loola dhaqmay si ka baxsan biniáadanimada oo intooda badan ay dagan yihin kaniisado

E-mailada na soo gaarsiiyey ayaa u qornaa siddatan.
Daa´uud Ciise

“Markii la soo magacaabay safiirka waxaa naga soo go’day neef weyn waxaanna is tusnay in safiirka howshiisa ugu horreysa ay noqon doonto inuu wax ka qabto xaaladda adag ee haysata Soomaalida ku dhibaateysan Holland, laakiin ilaa hadda hal mar nama soo ag istaagin, waxaan u maleynayaa ninkan Fiqi la leeyahay & Cali Ameeriko waa labo qofood oo aan laysi siisan karin.

Cabdullaahi Xassan

Cali Fiqi Protokol safiirnimo kama muuqato, dowladda Soomaaliyana waa ku soo qaldantay, wuxuu u egyahay nin xeeraan ah. Sabtidii wuxuu joogay xaflad African model show ah, wuxuu guddoonsiinayay billad gabadha ugu qurxoon gabdhaha Afrikaanka ah ee Holland ku dhaqan Miss Africa, meeshaas ma ahan meel uu safiir joogo, loogumana talogelin. Safiirku wuxuu ku dhex milmay ururada Soomaalida ee Holland, waan soo dhoweyneynaa inuu dadkiisa ku dhex jiro haddana dadkii uu mudnaanta siin lahaa waa dadka dhibaateysan. Kuwii daruuriga u ahaa taageeradiisa in la garab istaago wuu ka leexday, markaas ayuu maalin walba la taagan yahay kuwa xafladeynaya, maxaa u diiday dhallinyarada/hooyooyinka & caruurta ku dhibaateysan Holland inuu fursad u siiyo inuu la hadlo.
Canab Siciid Shire

Wuxuu u muuqdaa nin markiisii hore ba jeebka u galay Jaaliyadaha & ururada Soomaaalida, iyaga ayuu shaxaad ka qaataa, 4.5 ayaa nagu dheeshay, qof kasta isaga oo Soomaalinimadiisa & daacadnimadiisa la hubin ayaa madax looga dhigay hayád muhiim ah.
Deeqo Max’uud

Holland waxey ka mid tahay dowladaha aqoonsan dowladda Soomaaliya, safiirku wuxuu xaq u leeyahay inuu kala hadlo Wasaaradda arrimaha dibedda oo uu yiraa dhibaatada dadka Soomaalidaa haysta.
Cabdifitaax Cumar

Yurub marka la imaanayo dadku waxey inta badan ku soo galaan tahriib, qaar boosabooro dalal kale ayaa lagu qabtaa, marka qofka lagu qabto baasaboor dal kale waxaa la leeyahay inaad Soomaali tahay safaaradaada ka soo cadee, arrintaas dhibaato weyn ayaan ka mudanaa.
Hooyo Faadumo Xassan

Safiirku Jaaliyadiisa waa u tagi karaa waana la kulmi karaa, haddana Soomaalidu waxey tiraa {oodo dhacmeed siday ukala koreeyaan baa loo kala guraa} war haddii aad u tagtay dadkaan xafladeynaya, maxaa kuu diiday inaad soo booqatid dadka dhibaateysan.? dadkaas sow safiir uma tihid.?
Fuáad yare

Safiirku wuxuu wakiil ka yahay dowlad, marka uu dalka soo galayo waa inuu soo wargeliyaaa wasaaradda arrimaha dibedda, loona diyaariyaa baabuurtii galbin laheyd, runtii wuxuu ku ciyaaray magaca diblumaasiyada, munaasib ah ma ahan in meel kasta taagnaado, waxaad moodaa in uu noqday meel walba joog.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com