Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Cabdicasiis Isaaq Mursal

0

Muqdisho. 22 April 2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladda, asxaabta, baarlamaanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Cabdicasiis Isaaq Mursal oo maanta koox bistooladleey ah ay ku toogteen degmada Dharkeyleey.

Madaxweynaha ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa inaa Ilayhu Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaana tacsi u dirayaa qoyskii, Baarlamaanka, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Marxuum Cabdicasiis Isaaq Mursale oo ahaa mudane baarlamaan oo u adeegayey shacabka iyo dalkiisa. Samir iyo Iimaan EEBBE ha naga wada siiyo, isagana Janaddii fardowsa ALLAHA ka waraabiyo. AAMIIN.”

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu markale ku nuuxnuuxsaday sida ay Dowladda uga go’antahay inay sii wado la dagaalanka kooxaha nabad-diidka ah, mana loo hakinayo howlaha qaranka ee muhiimka u ah shacabka. Kooxaha nabad-diidka marnaba kuma guuleysanayaan argagaxa iyo dilalka qorsheysan oo ay la beegsanayaan shaqsiyaadka u adeegaya danaha shacabka iyo tan dalka,. Soomaaliya Soomaali baa leh, waana ka gun gaareynaa kooxahan diidan nabadda iyo Soomaalinimada.