Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Nin Rayid Ah Maanta Ku Dilay Kismaayo Iyo Beesha Uu Ka Soo Jeedo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in nin rayid ah ay ku dileen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni gudaha magaalada Kismaayo iyada oo uu ku usgan yahay Cabdiweli Sheekh Axmed.

Warkan ayaan intaasi waxa uu ku darayaa Marxuumka maanta lagu dilay magaaalada Kismaayo in uu ka soo jeeday beesha Uur- Midig ee beelwaynta Sade oo uu ka soo jeedo Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dilka, Xariga, Dhaca, kufsiga iyo barakicinta aan kala sooca lahayn haba ugu badanaadeen dadka ka soo jeeda Beesha sade oo ay geesanayaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa ay si joogto ah uga socdaan amaba uga dhacaan gudaha magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo falalkan gabood falka ah ee loo geesanayo dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaan jirin cid ka hadasha amaba wax ka qabata, Marxuumkan ugu dambeeyay ee ay dileen maleeshiyada Raaskambooni iyada oo uu ku sugan yahay magaaladaasi Cabdiweli Sheekh Axmed baa ilaa hadda wax hadal ah uu ka soo saarin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com