Maqaal Runta Abaaraya: Crimea-yadii Ukrian Waxaa Ah Jubada Hoosada Soomaaliya. W/Q.Shariif Nuurre Xubeey

0

Crimea-dii ukrain oo kale waxaa ku socdada Jubada Hooseda Soomaaliya is qab qabsi u dhaxeeya somalida ayaa waxey tustay kenyatiga in ay fursad ka banaantahey halkaas waxeyna qorsheynayaan 15 sano kadib in ay u codeeyaan dadka ku nool gobalkaas sidii ay ugu biiri lahaayeen Kenya.

Kenya hada ayey ololahaas bilowdey iyadoo isku dayeysa dadka Reer Jubada Hoose in ay layeeshaan wada shaqeyn dhow oo ay san lalaheyn inta kale gobolada Soomaaliya.

Jubada Hoose waxey ka tirsaneyd xiligii gumeystaha Kenya, Kenyaatiga waxey aaminsanyahiin in ay gobalkaas dib u hanan karaan iyadoo ah fikrada kaliya ee ay ku hanan karaana ay tahay in ay ku abuuraan gobalkaas dad Kenya aamisan oo ku afkaar ah amaba dad asalkoodu uu yahey Soomaali hadana ah Kenyati.

Si kastaba ha ahaatee hadii ay u hirgasho ololaha Kenya ay ku dooneyso gobalka Jubada Hoose oo hada ay ku qoran tahay waa beec ama (For Sale) waxey u tahey Kenyatigu guul u soo hoyatey halka Soomaliduna ay u tahey dhabar jab iyo guuldaro.

Kenya-Ethiopia
15 sano ka dib 

W/Q. Shariif Nuurre Xubeey
shariifxaashi77@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com