Maxuu Ku Bad Baadi Karaa Cabdiweli Sheekh Axmed?

0

Markaad indho indheeyso shirqoolka foosha xun ee loo dhigay Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxaa kuu soo baxaya in Cabdiweli Sheekh bahasha siyaasada ah uu ku soo deg degay waqtigan xaadirka ah, dhinaca kale markaad eegtana waxad arkeysaa sida godka loogu riday markaasaa waxaa ku qabanaya war kani waxba haka baqaylin ee qabo, su’aashuse waxay tahay mayahay nin qabsoomaya amaba garan kara dabinka uu ku dhacay ama ku jiro?

Sida xaqiiqda ah dabinka uu ku jiro Cabdiweli Sheekh waxaa u maleegay ugana tilaabsaday Puntland Iyo Kooxdi Bac Madoow ee uu hogaaminayay Maxamed Ugaas Xaashi oo asalkooduba Cabdiweli Gaas si gacan ku rimis ah u sameeystay ,iyagoo looba sameeystay in lagula dagaalamo beesha Sade, kooxdan ay u tun weeyn yihiin Itoobiya, IGAD, Kooxda Bacmadoow Iyo Puntland ayaa ka dhaadhicisay Cabdiweli Sheekh inay ku garab galayaan wax walba oo uu sameeyo, Madaxweyne Xasan Sheekh-na uu ka adag yahay maanta, intay goori goor tahayna ka faaiideeysto waqtiga lana dagaalamo, waxaase ayaan daro ah inuusan si wanaagsan isaga eegin dabinka loo dhigay, waloow la oran karo waa ay ku fiican tahay inay tani ku dhacdo maadaama uu diiday taladi ay u soo gudbiyeen Indheergaradka iyo Siyaasiyiin isugu jiray Soomaali iyo Sade oo ah ciduu u nasab sheegto. (Caalamka Laguma Arag Nin Kursiguu Ku Fadhiyay iiga Kac La Yiri Oo Dhahaya HAYE).

Cabdiweli Sheekh dhinaca siyaasada maanta waa uu fashilmay kooxahaas isbiirsaday ayaana runtii Siyaasiyan ayay u Qaarajiyeen (Political Assassination) mana ahan nin loo gurman karo, balse Xaajo dhacda oo aan Xal lahayn majirto, haddii loo geeyo quburo taqaan sida loo maalo Siyaasada, oo ka dhidhiya markay arkaan mid xunoo la dhashay oo si xun amaba si fool xun loo isticmaalayo, bal aan u jaleecno si aan daawada Cabdiweli Sheekh u helno inagoo eegayna furimaha tirada badan ee uu cadaawada iyo dagaalka Siyaasadeed u iclaamiyay Cabdiweli Sheekh, waa Maamulka Koonfur Galbeed, Maamulka Gedo, Xarunta Dowladda ee Caasimada Muqdisho, Ahlusunna Waljamaaca, Maamulka Galguduud iyo ciidamada fariisimaha ku leh Goobweeyn, intaasina waxaa sii dheer beelihi horey u shaaciyay inay kalsoonida kala laabteen xukuumadiisa.

Xaqiiqdu waxay tahay Walaalkeen Cabdiweli Sheekh Dhinacna umma fiyooba deegaanada dalka oo dhan waa ay guuxayaan, Makula tahay hadduu Cabdiweli Sheekh dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho in ay u sii socon doonto Siyaasadi daganeed ee uu ku jiray bilihi aynu soo dhaafnay, welibana anagoo eegayna Xildhibaanadi Baarlamaanka ee aanu sida wanaagsan u wada garneynay, xaqiiqdu waxay tahay MAYA MAYA MAYA.

Soomaaalidu waa dad shido badan balse xaqiiqdi murti wanaagsan, murtidooduna run u badan tahay, waxaana ka mid ah murtidooda (NIN GURI DHALA AH KU JIRA, DHAGAX MA TUUR TUURO) aniga oo taa ula jeeda Cabdiweli Sheekh Isagaa dagaalka iclaamiyay, Isagaana Nabadii uu heeystay diiday, isagaana dib ugu soo laaban kara dhabihi NABADA lagana doonayaa inuu NABADA Iclaamiyo.

Gaba-gabadi, Walaalkeen Cabdiweli Sheekh waxaa xaqiiqo ah in uu ku bad baadi karo oo qura isagoo dhaha (Tooba Yaa Rabi) waxaan dhaqan galinayaa dhamaan qodobadi ka soo baxay heshiiski Addis Ababa, taa oo qura ayaa ah mida uu ku bad baadi karo maanta, waa haddiiba ay dadkuu dagaalka Siyaasadeed ee ka dhanka ah Iclaamiyay ay cafiyaan.

Fiiro Gaar Ah: Mahad Iyo Amaan Oo Dhan Waxay U Sugnaatay Allah Subaxaanuhu Watacaalaa Ee Nasiiyay Caqliga aan wax Ku Garanayno, Garashadu Waa Haybad Allaah Subxaanahu Watacaalaa Baxsho, Qof Nasiib Leh Ayaana Hella.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com