Maxuu Yahay Shirka Ka Socda Magaalada Kismaayo, Yaase Ka Dambeeya?

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maalmahan ay magaaladaasi ka socdeen shirar lagu sheegay inay u dhexeeyaan beelaha Sade iyo Kablalax iyo baroor diiqa aanu ugu magac darnay Yaa Daaroodeey.

Shirkan ayaa maalamahan waxaa buun buuninayay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida iyagoo sheegayay in ay shirkaas ku kulansan yihiin beelaha Sade iyo Kablalax uuna yahay mid dib u heshiisiineed.

Wararka soo gaaraya warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegayaan in shirkan uu yahay mid u dhexeeya Odayaal ku garab ah Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed iyo odayaal ku garab ah Axmed Madoobe shirkana waxaa looga dan leeyahay sidii caadada u ahaan jirtay kooxaha taageera Raaskambooni in warbaahinta laga sii daayo “Beelaha Sade iyo Kablalax ayaa waxa aloo sameeyay dib u heshiisiin” halkaasna looga talaabsado shirkii dib u heshiisnta ahaa ee ku qeexnaa qodobadi ka soo baxay shirkii Addis Ababa.

Shirkan ayaa waxaa gar wadeen ka ahaa islamarkaana daadihinayay howlaha dib u heshiisiinta labo wasiir ku xigeen oo ka mid ahaa wafdigii Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed markuu tagay magaalada Kismaayo, waa Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ay ilmo adeer yihiin Axmed Madoobe iyo Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta Axmed Cali Salaad Taako oo ah Cabdiweli Sheekh Axmed Seedigiis

Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo dhawaan siiyay wareysi warbaahinta VOA qeybteeda afka Soomaaliga ayaa xilka uu hayay waxa kala weeynaaday islamarkaana qarsan waayay caadifada qabiilkiisa waxa uu hanjabaad hawada u mariyay ciidamada jooga Goobweyn, hadaba su’aasha isweeydiinta mudan ayaa waxa ay tahay shaqsigan ma noqon karaa sidaan u hadlaya dhex dhexaad ama shaqsi daadihiya shir dib u heeshiisiineed? Halkaan hoose ka dhageyso Shuuriye.

Dhinaca kale shirkan lagu sheegay in uu ahaa dib u heshiisiinta waxaa ka soo baxay dhoowr qodob oo kala ah sidan, hoosna ka daawo video-ga

1- Xabad Joojin, 2-Nabad in la qaatay, 3-In la soo xareeyo ciidamada Goobweeyn, 4-In waxii tabasho ah dib looga wada hadli doono, 5- In beelaha kale ee Soomaaliyeed nabada loogu baaqo 6-In la xoojiyo Cadaalada iyo Nabada gobolada Jubbooyinka iwm.

Haddaba waxaa la yaab ah in xabsiyada magaalada Kismaayo ee la yaqaan iyo xabsiyada sida gaarka ah loo leeyahay ay buux dhaafiyeen dad shacab ah oo aan galin wax dambi ah, sababta ay u xiran yihiina ay tahay oo kaliya Beesha reer hebel ayay ka soo jeedaan, xabsiyadan sida gaarka ah loo leeyahay ayaa waxaa maamula oo ay u furan yihiin Gen. Darwiish iyo Macalin Maxamed, waxaa sidoo kale jira dad guryahood lagala baxay oo aan ilaa hadda la ogeeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Haddii aad dib u eegto qodobka 4-aad ee ah (In Dib Loo Dhigo Waxii Tabasho Ah), waxuu ku tusayaa inaysan jirin wax dib u heshiisiin ah oo ka dhacday magaalada Kismayao aysana jirin wax lagu heshiiyay sababtoo ah waxii lakala tabanayayba lagama wada hadlin oo dib baa loo dhigay.

Ma xuma in dadka dib u heshiisiin loo sameeyo qaasatan beelaha daga gobolada Jubbooyinka balse soo ma haboona in dib u heshiisiinta ay ka horeeyaan in la dhameeystiro amaba la dhaqan galiyo dhamaan qodobadi ka soo baxay Shirkii Addis Ababa? Faataxada xagay iska qabsan la’adahay?

Dhinaca kale qorshaha iyo qiyaamada qarsoon ee Cabdiweli Sheekh Axmed iyo kooxdiisa daadihinaysa shirkan dib u heshiisiinta loogu magac daray ayaa waxa uu yahay in la yiraahdo dhamaan ciidamada labada dhinacba Hubka waa in laga wada dhigayaa, kadibna ciidamada Goobweeyn markay soo xaroodaan hubkooda ay u dhiibaan AMISOM, kuwa Raaskamboonina iyaguna hubkooda waxaa loo dhiibayaa ciidamada Kenya, Taasi waxay ku tusaysaa hubka Kenya Raaskambooni u dhiibatay markii Ciidamada Goobweeyn hubkooda dhiibaan amaba dhigaan inay ciidamada Kenya Raaskambooni hubkooda u soo celinayso, waxaana daliil u ah inay taasi dhacayso dib u raaca habdhaqanki ciidamada Kenya ee gaaray ilaa heer ay Wasiiro iyo Saraakiisha Dowladda inay ku xiraan garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo amaba u diidaan in diyaarada ay la socdaan ay ka soo dagto Kismaayo. “Ma Anagaa Naloo Qariyaa Mindiyo Nalagu Qalayo“?

Marka shir dib u heshiisiin la qabanayo, waa in dadka dirirsan ama xurgufta ka dhaxeeyso ay isku si u wada hadli karaan amaba ay joogaan goob amaba deegaan dhex dhexaad ah oo dadka wadahadlaya midna uusan qabin wax baqdin ah oo amaankiisa ku saabsan, tusaale Allaha U Naxariistee Suldaanka Beesha Sheekhaal Suldaan CABDIRAXMAAN CABDI DHUUX ayaa dharaar cad maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ku dileen bartamaha magaalada Kismaayo, dilkiisana waxuu ahaa fariin loo dirayay odoyaasha kale ee dhaqanka ee ku sugan magaalada Kismaayo. halkaan hoose ka dhageyso dilka Suldaanka.

Hadaba Soo leeysma oran karo odayaashan beesha Sade ee iyagoo ku sugan magaalada Muqdisho uu soo shirqoolay Cabdiweli Sheekh Axmed haddana ku sugan magaalada Kismaayo ee leh waxaan ka qeeyb galeeynaa shir dib u heshiisiineed, waa maxaabiis waqtigan xaadirka ah lafahooda u baqaya, waxay sheegana iyo waxay qaataanba waa waxay Naftooda ku bad baadinayaan?

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Isku soo wada duuboo Cabdiweli Sheekh Axmed colaadi ka taageeneed deegaanada gobolada Jubbooyinka waxa uu gaarsiiyay meel aysan joogin kana soo laaban karin, sida xaqiiqada ahna waa uu ku fashilmay qorshihiisi guracnaa iyo Qandaraaski ee uu kula ahaa heshiiska ragga ay ka midka yihiin Maxamed Ugaas Xaashi, Gen. Fartaag Iyo Col. Indhoraadeer  iyo kuwa la midka ah, waana wax dhawaanahan uu kala kulmi doono cashar lama ilaawaan ah oo gala taariikhda Siyaasada Soomaliyeed, xalka Jubbooyinkana waa (Faanoole Fari Kama Qodna).

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com