Midowga Africa oo cambaareeyey Qarax maanta lagu dilay Xildhibaan ka tirsana Barlamaanka

0

War kooban oo laga soo saaray xafiiska wakiilka ururka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya sidoo kalena ah madaxa ugu sareeya ciidamada AMISOM Max’ed Saalix Annadifi ayaa waxaa uu si kulul ugu cambaareeyay qaraxii maanta lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya mid kalena lagu dhaawacay.

Warkaan waxaa lagu sheegay in ururka Midawga Africa uu xanuunka la wadaagayo ehelada xildhibaanada waxyeeladu soo gaartay iyo baarlamaanka Soomaaliya waxaana uu intaa danjiruhu ku daray in qaraxyada noocaan oo kale ah la doonayo in amaanka caasimada wax loogu dhimo.

“Weerarada Xildhibaanada lagu qaado waxay la mid yihiin weerarada bulshada lagu dhibaateeyo weerarada xildhibaanadana ma aha wax loo dul qaadan karo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska wakiilka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Max’ed Saalax Annadifi waxaa uu sheegay in ururka Midawga Africa ay dawlada Soomaaliya kala shaqaynayaan la dagaalanka weerarada noocaan oo kale ah oo uu sheegay inay yihiin kuwo argagax abuuraya.