Q.M oo kumanaan ciidan utababareysa Somaliya

0

Q,M ayaa sheegtay inay dawlada Soomaaliya ka ka taageerayso abuurista ciidamo gaar ah oo ka shaqeeya sugida amaanka dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho.

Danjire Nicholas Kay oo Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Q,M iyo wadamada dawlada Soomaaliya saaxiibka la ah ay hadda ka shaqaynayaan in dawlada Soomaaliya loo tababaro ciidamo gaar ah oo sugida amaanka ka shaqeeya.

Ciidamadaan oo tiradoodu gaarayso 10,500 oo askari ayaa ujeedkoodu noqon doonaa inay gacan ku qabtaan amaanka kana hor tagaan weerarada Al-Shabab ay ka geystaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

“Abuurista ciidamo xoog leh oo Soomaaliyeed waqti badan ayay qaadatay hadda waxaan qorshaynaynaa inaan dawlada u abuurno ciidamo amaanka sugi kara oo xoog leh” ayuu yiri  Nicholas Kay.

Dawladaha taageera Soomaaliya ayuu Kay sheegay inay gacan ka geysanayaan diyaarinta ciidamadaan.

Sidoo kale danjiruhu waxaa uu soo hadal qaaday arrimaha bini’aadanimada oo uu sheegay inay Q,M kordin doonto oo gar gaar hor leh la gaarsiin doono degaanada ay ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ka qabsadeen Xarakadda Al-Shabab.