Qaar Ka Mid Ah Deegaanada Gobolka Galgaduud Oo Fuustadii Biyaha Ay Gaartay $20 Doolar Iyo Baaq Loo Diray Dowladda.

0

Guriceel (AGGM): Deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobolka Galgaduud ayaa lagu soo warramayaa inay fuustadii biyaha ahayd gaartay lacag dhan 350 kun oo shilin Soomaali ah oo dhiganta $20, taas oo ka dhalatay biyo la’aan ka jirta gobolka.

Deegaannada ay biyo la’aanta ka jirto ayaa kala ah Labi bagaase, Gumburo, Balli xuddumey, Dhagaxnuur, Balli-dhiig iyo kuwo kale.

Taliyaha ammaanka ee deegaanka Guriceel, Muuse Macallin Maxamed ayaa maanta Bar-kulan u sheegay in dadka ku nool deegaannadaas aanay awood u lahayn inay iibsadaan biyo.

Wuxuu tilmaamay in deegaannadaas oo ay ku nool yihiin dad xoolo dhaqato ah ay marteen barkado keyd ahaa oo laga cabbi jiray, iyadoo uusan weli ka curan roobka xilliga gu’ga ee sannadkan.

Taliyaha ayaa ka codsaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, hay’adaha samafalka iyo Soomaalida ku nool dalka dibaddiisa inay gargaar biyo ah gaarsiiyaan dadka iyo xoolaha ku nool deegaannadaas.

Deegaannada laga soo sheegayo biyo la’aanta intooda badan waxay Guriceel u jiraan 100 ilaa 130 km.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com