QM oo beenisay in shaqaalaheeda kala baxeyso Soomaaliya

0

Wakiilka QM arimaha Soomaaliya Nickolas Kay ayaa beeniyey shir Jar’id uu ku qabtay xarunta QM ee mgaalada Newyork in ay jirto qorshe QM ay dooneyso in ay shaqaalaheeda kala baxdo Soomaaliya.

Waxa uu Mr Kay uu cadeeyay badalkeeda in ay sii joogi doonaan dhulka Soomaaliya oo ay kaga sugan yihiin shaqaale badan iyo hay,ado iyagu hoostaga,Key ayaa yiri “mowqifkeeni waa mid adag oo ay go’aani ku dheehan tahay waxanaa isku sii balaarin doonan Soomaaliya”.

Kay ayaa sheegay in ay wadaan isku day ay ku doonyaan isku dheeli tirista shaqadooda ay u joogaan Soomaaliya.

Hadalkaan Kay ayaa imaanaya maalin kadib markii uu qudbad uu ka jeediyay machadka nabada ee Mareykanka uu ka sheegay in hadii ay sii socdaan beegsiga mas’uuliyinta Soomaaliya iyo sii korarka qasaaraha ka dhasha weerarada Al-shabaab ay ku qasbi karto QM iyo hay,adaha kale ee caalamiga ah ay isaga baxaan Somalia.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com