QM oo sheegtay in ay Somalia ka baxeyso hadii Dilalka ay sii socdaan

0

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka digay in QM iyo diplomasiyiinta ajaanibta kale eek u sugan Soomaaliya ay ku qasbanaan doonan in ay isaga baxaan dalka hadii ay sii socdaan weerarada ay wadaan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Nicholas Kay ayaa hadalkaani sheegay labo maalmood oo isku xiga oo caasimada Muqdisho lagu dilay labo mudane oo ka tirsan barlamaanka dalka.

Wakiilka xoghayaha guud ee QM arimaha Soomaaliya u qaabilsan Nicholas Kay ayaa sheegay in weerarada Al-shabaab ay geesanayaan ay ka dhalatay khasaaro badan taasi oo suurta galin karta in mas’uuliyiinta caalamiga ah eek u sugan caasimadfa Soomaaliya ay dalka isaga baxaan.

Nicholas Kay waxa uu yiri “waxaa jiri doonta talaabooyin aanu qaadan doono hadii ay sii socdaan qasaaraha ka dhalanaya weerarada Al-shabaab ay geesanayaan”.

Nicholas Kay ayaa ka hadlayay machadka Mareykanka ee dhanka nabada ah eek u yaala Washington waxa uu sidoo kale sheegay “shaqaalaha QM waa ay feejigan yihiin,khalad ka dhaca qaabka loo sugayo amaanka ayaa nagu qasbi doonta in Soomaaliya aynu isaga baxno”.

Nicholas Kay ayaa sheegay in wadamo dhowr ah uu ugu baaqay in safarahooda ay dib uga furtaan dalka Soomaaliya.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com