Qoom Duloobay Oo Aan Is Qaban,Wadaniyad Ka Tagey, Hungurina Qaatey. By Saadiq Yaasiin Saalax

0

Kismaayo (AGGM):Waxaa xaqiiqo ah inaysan jirin wax wadaniyad ama jiritaan Soomaaliyeed aysan maanta ka jirin gudaha dalka Soomaaliya,waxaana arrimahaasi sii laba jibaarmeen markii Raisalwasaaraha dawlada federaalka ah ee soomaaliya tagey magaalada kismaayo oo ay ka jiraan xasarado xargaha goostey.

Waa Tan Raysal-wasaarenimo:

Raisalwasaraha Soomaliya Mudane Cabdiweli Shiikh Axmed oo ahaa nin shacabka soomaaliyeed ay u han-weynayeen ayaa saacado gudahood isu bedelay nin masiirkiisa & xilka uu soomaali u hayo ku bedeshay xooga hunguri ah oo ay dad ka soo horjeeda wadaniyadda soomaaliyeed u balan qaadeen.

Cabdiwali Shiikh Axmed & Xildhibaan Xidig ayaa la soo xaqiijiyey inay si gaar ah maalmihi la soo dhaafay shirar iyaga u gaar ah uga socday Madaxtooyadda villa Somalia iyagoo ka wada hadlayey sidii loo meel marin lahaa dhaqaale dawladda Norway ku yaboohday oo cadadkeeda lagu sheegay 16 Milyan oo dollarka mareykanka ah.

Dawladda Norway waxay dhaqalahan ugu tallo gashay qayb ka mid ah 8 Milyan oo dollar soo xereynta ciidamada dawlada ee ku sugan duleedka kismaayo si dawlada Norway Iyo kiiniya ugu hirgasho qorshihi ahaa in Shidaal laga baaro xeebaha Kismaayo si nabad jubooyinka uga dhacdo.

Xildhibaan Xidig oo u eg nin ka taqalusay  Raisalwasaare Cabdiweli isla markaasna sahan saday inuu yahay in Hunguri doon ah ayaa la sheegay inuu ka dhaadhiciyey inuu kismaayo tago ciidamadasi soo xeerayo waxaana la sheegay inuu Cabdiweli arrintaasi aqbalay isagoo aan fiirin masiirka & aayaha Soomaalinimo & shacabka tirada badan ee ku nool jubooyinka balse xoogaa dhaqaale ah doonaya inuu shacabka ku iibsado.

Sidoo kale waxaa uu Raisalwasaare Cabdiweli uu eg nin la sirxay waxa uu kismaayo markuu taga ku waashay erayaddan ” Maamulka Jubbaland,Madaxweynaheena Axmed Madoobe,Jubboland waa Duushay” Sidoo kalena waxaa deg deg ku dalbay raashiin oo wasaarada arrimaha gudaha ku armay inay doonyo ku soo qaadaan.

Qodobadda Raisalwasare Cabdwali ka hadlay ma khuseyan heshiiskii Addis Ababa,Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliyana way kula xisaabtami doontaa Cabdiweli Shiikh Axmed.

Waa Tan Janaraalnimo:

Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil ”Fartaag” lama yaqaan meesha uu ku soo noqday xidigle ilaa korneyl balse dawladii Shiikh Shariif oo dano gaar ah fiirineysa ayaa la carabka ku dhufatay  Ereyga ”Jeneraal” Waligiis Academic Mileteri ma soo marin mana uu arag.

Fartaag waxaa shaqsiga ugu duleysan Beesha Sade marka la eego dhibaatooyinkii ka dhacayey Kismaayo,waxaa uu ahaa shaqsii Maydka Iyo dhaawaca ay laayeen Ciidamada Kiiniya ka dul khubadaynayey isagoo eegay Shilinka Dekedda ka soo baxa ee Axmed Madoobe siinayo,Waxaa uu ahaa shaqsiigii gurigiisa oo la dhacayo Idaacadaha ka hadlayey isla markaasna ilaa iyo hadda ku faraxsan dhibaatadda dadkiisa loogu geysanayo Magaalada Kismaayo.

Fartaag waa nin jecel Sabeen Xirka in uu qaato waxaa dhawr jeer lagu dilay gudaha Xarunta Madaxtooyada Maleeshiyaadka Raaskambooni ilaa waxa la gaaray in Madaxda lagaga dhufto Bistoolad isla markaasna guri kale loola cararo iyadoo la badbaadinayo,ka dibna sidii gabadh dudmo ku tagtey la soo caro celiyo. Waa Nin Shilinka jecel.

Waa Tan Ugaasnimo

Maxamed Ugaasi Xaashi waxaa uu ahaa ninkii ugu horeyey ee Konfurta Soomaaliya afduuba Xil Hogaamiye Dhaqameed,waxaana uu iskiis isugu doortey Ugaaska Beesha Sade balse taasi uma hirgelin,waxaana ku shaqeysta shaqsiyaadka danaha gaarka ah leh marka la doonayo in Beesha Sade laga talaabsado xaqeeda,waxaana uu shaqeeyaa maalintaas.

Maxamed Ugaas Xaashi waxaa ninka isagoo sheeganaya Inuu yahay Ugaas shacabkiisa ku bedeshay shilimaad ay siiyeen Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana uu ahaa ninka aan ka hadlin dilka iyo xasuuqa intii uu joogay kismaayo ka socday,waxaana uu ahaa ninkii sida weyn u abaabulay inuu Maleeshiyaadka Raaskambooni u aqoonsado maamul isagoo ku bedelanaya Shilimaad.

Inna Ugaas Xaashi waa ninka taariikhda Soomaali baalkeeda ay maanta u gashay in isagoo taagan hortiisa lagu kufsanayay gabdhaha beesha uu ka soo jeedo, maalina aan ka hadlin amaba ka danqan, halka caruurtana hortiisa lagu xir xiranayay qaar kalen lagu laayay, halkuu dhuuman lahaana weli dadka hortaagan, waxaa xaqiiqo ah in bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda uu maanta ka yahay nin lagu maadsado.

Xaalada Beesha Sade & Arrimaha Jubooyinka.

Beesha Sade darood ee ku sugan daafaha caalamka & gudaha dalka Soomaaliya waxay ka mideysan yihiin xaalada goboladda Jubooyinka iyagoo u arka 3-da Ruux ee Magacyadooda aan kor ku soo sheegnay inay yihiin kuwo aan matalin beesha sade balse Hunguri doon ah isla markaasna meeshi shilinkoodu galo dantooda ka raadsanaya.

10268332_753603064674460_1529740903_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

W.Q. Saadiq Yaasiin Saalax.
syaasiin@gmail.com

Fiiro Gaar Ah: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, waxii dhaliil ah ama amaan ah qoraaga kala xiriir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com