Saraakiil Ajaanib Al-shabaab ah oo lagu Qabtay Gobolka Gedo

0

Muqdisho(AGGM):Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay Gacanta Ciidamada Soomaaliya ay ku dhigeen Saddex Sargaal oo Ajaanib ah islamarkaana Al-shabaab ka Bar bar dagaalanta.

C/xakiin Daahin Saciid “Saacid”taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Shir ji’aa’id maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Soomaaliya ay Gacanta ku soo dhigeen Saddex Sargaal oo Al-shabaab ah,kuwaas oo u dhashay Dalka Tisaaniya.

Waxaa uu sheegay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya in Ragaan ay Al-shabaab u qaabil sanayeen soo Xero galinta Ajaaniibta ka soo jeeda Bariga Afrika sida uu sheegay Taliyaha Booliska Gen. Saacid.

 Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com