Saraakiisha AMISOM Ee Kismaayo Oo Ku Dhagan Cabdiweli Sheekh Axmed. Maxayse Tahay Sabata?

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ay ka dhex tolan tahay Saraakiisha ciidamada AMISOM iyo Cabdiweli Sheekh Axmed ka dib markii uu amar been abuur ah ku siiyay inay weeraraan ciidamada Goobweeyn.

Warkan ayaa intaas waxa uu ku darayaa in Saraakiisha ciidamada AMISOM ay ku heystaan Cabdiweli Sheekh in uu yiri weerara ciidamada fariisimaha ku leh Goobweeyn iyo nawaaxigeeda unna saxiixay warqada lagu weerari lahaa.

Ciidamada AMISOM ayaa markii gaareen nawaxiga ciidamada ku sugan goobweeyn ayaa amar waxaa laga soo siiyay Taliska Guud ee ciidamada AMISOM kaa oo lagu amrayay inaysan weerari akrin ciidamda goobween fariisimaha ku leh.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxa uu u sheegay saraakiisha AMISOM ee magaalada Kismaayo in ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isku og yihiin in la wareeraro ciidamada fariisimaha ku leh Goobweyn taa oo markii dambe Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku wargaliyay Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM in uu shuqul iyo shaqo ku laheen Cabdiweli Sheekh Axmed-na uu Kismaayo u joogo dano isaga u gaar ah ee uu u joogin danaha Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida la soo sheegayo waxa uu aad uga careesan yahay been abuurka Cabdiweli Sheekh Axmed iyo qorshaha guracan ee uu ka wado magaalada Kismaayo ee lagu xalaaleeysanayo dhiiga qabiilo ka mid ah qabiilada dagan deegaanada Jubbooyinka.

Isku soo wada duuboo Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxaa saacadba saacada ka dambeeysa sii kordheeysa fadeexadaha isdaba jooga ah ee soo gaaraya sumcadiisa, islamarkaana mugdi sii galinaysa sii joogistiisa masraxa siyaasada Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com