Shirqool Fashilmay: Wafdigi Muqdisho Ee Ku Soo Wajahnaa Kismaayo Oo Baaqday. Maxay Tahay Sababta?

0

Muqdisho (AGGM): Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in ay dhamaan fashilmeen isku daygi lagu doonayay in Wafdi balaaran uga soo baxaan Muqdisho maalinta Khamiista ka dib markii la ogaaday in Wafdiga Cabdiweli Sheekh ay iyaga qudhooda ka tagayaan maalinta Khamiista ah Magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Wafdiga ay horkacayeen Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle, Odoyaasha Golaha Guurtida beesha Sade ee Waamo, Xubnaha Sar Sare Golaha Nabadda Iyo horumarinta gobolada Jubbooyinka ee la doonayay in Khamiista ay soo gaaraan magaalada Kismaayo ay ka war heleen in maalinta ay tagayaan Kismaayo oo ahayd Khamiista in diyaaradaha geeysa Kismaayo ay dib ugu soo laabanayaan Cabdiweli Sheekh Iyo Wafdigiissa.

Wafdigana balaaran ayaa waxaa loo qorsheeyay in lagu xabiso magaalada Kismaayo oo la waayo cid dambe oo ka haddasha qadiyada Soomaalinimo iyo mida beelaha daga deegaanada Jubbooyinka ee ka soo horjeeda damaaciga foosha xun ee horjoogayaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Dhinaca kale wararka sheegaya in 11 ka tirsan ciidamada inay isa soo dhiibeen ayaa waxa ay yihiin kuwo been abuur ah, 11-ka ruux ee isa soo dhiibay ayaa waxa ay kala yihiin 3-nin oo si xor ah uga soo tagay ciidamada iyo 8 ruux oo rayid ahaa kana mid ahaa dadki magalaada markii hore ka soo bara kacay.

Isku soo wada duuboo weli waxaa socda shirqoolada ay maleegayaan maleehsiyo beeleedka Raaskambooni oo kaa shanaya Cabdiweli Sheekh, balse waxay xisaabta ku darsan in aan Mindiyo Nalagu Qalayo Naloo Qarin si aad ahna aan uga foojigan nahay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com