Sir Hoose: Masiirka Jubbooyinka oo ku Xiran Ciidanka Goobweyn.

0

Muqdisho (AGGM): Warar hoose oo laga helay ilo dublamaasiyadeed oo ku kala sugan magaalooyinka Washington DC, Nayroobi iyo Muqdisho ayaa waxa ay caddaynayaan in masiirka gobollada Jubbooyinku uu ku xiran yahay ciidanka dowladda ee ku sugan duleedka Goobweyn.

Safiirka dowladda Maraykanka u jooga dalka Soomaaliya James McAnulty oo isagoo ku sugan Nairobi la kulmay qaar ka tirsan Golaha Nabadda iyo Midnimada Jubbooyinka ee uu guddoomiyaha ka yahay Mudane Barre Aadan Shire ayaa sheegay in ay dowladda Maraykanku aad uga niyad xuntahay xaaladda ka taagan magaalada Kismaayo oo ay xasuuq ka wadaan maleeshiyo beeleedka Raasgambooni iyo weliba horumar la’aanta ka jirta dhanka la dagaallanka argagaxisada ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidammada Kenya ayuu sheegay in ay iyagu gabbaad u noqdeen koox dambiilayaal ah oo uu hoggaamiyo Axmed Madoobe oo horay uga tirsanaan jiray Alshabaab. Dagaalka keliya ee ay wadaan Kenya iyo maleeshiyada Raasgambooni ayuu sheegay in uu yahay mid ka dhan ah shacabka Kismaayo.

Dhanka kale, Neil Wigan oo ah safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay Kenya ku fashilantay hawlgalkii Soomaaliya oo Midowga Yurub uu si cad uga codsaday Midowga Afrika in la dhammaystiro heshiiskii Golaha Nabadgelyada Afrika ee dhigayay in Kenya laga saaro Kismaayo taliska degmadana lagu wareejiyo ciidammada Sierra Leone. Kenya ayuu sheegay in ay dusha saaratay maleeshiyo dool hoostooda shacabka ku xasuuqa loona baahan yahay in isbaddel la sameeyo.

Madaxa AMISOM ninka lagu magacaabo Maxamed Saalax Annadiif oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka codsatay in loo oggolaado in ay iska dhaqdo ceebta ka qabsatay Kismaayo oo waqti loogu daro muddada ay sii joogayaan Kismaayo. Arrintaas ayuu sheegay inay tahay mid aysan AMISOM iyo Golaha Nabadgelyada Afrika raalli ka ahayn, hase yeeshee wuxuu intaas ku daray in ergayga Kenya Maxamed Cabdi Afey uu ku qanciyay Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed in ay si wada jir ah dowladaha Soomaaliya iyo Kenya u wada codsadaan in dib loo dhigo bixitaanka Kenya arrintaas oo uu ku shaqaynayo Cabdiweli.

Ciidammada ku sugan duleedka Kismaayo ayaa haya xogtan waxayna ka biyo diideen qorshe uu Kismaayo la tagay Cabdiweli Sheekh Axmed oo ahaa in ciidankaas ay isa soo dhiibaan haddii kale loogu hanjabo in diyaarado lagu weerari doono. Arrintaas ayuu si foolxun ugu fashilmay Cabdiweli oo isu dhiibay maleeshiyada Raaskamboni isagoo ka horyimid dana dowladda uu ka tirsanyahay iyo danaha beelaha Soomaaliyeed ee joogtada loogu xasuuqo Kismaayo.

Dhammaan beelaha Soomaaliyeed, marka laga reebo Kablalax wuxuu u muujiyay cadaawad isagoo ku hadlay erayo xanaf leh sida Madaxweynaha Xamar, Afhayeenka Xamar, Madweynaha Jubbaland iyo waxyaabo kale. Beesha uu isu dhiibay ee Kablalax ayaa u taagan inay isaga kursigiisa ka tuurtaan oo ummadda Soomaaliyeed ka horkeenaan. Durba waxaa soo baxaya qorshe Wasiirka Maaliyadd Xuseen Cabdi Xalane uu Kenya iyo Itoobiya uga dhaadhiciyay in lagu baddalo Cabdiweli.

Isku soo wada duuboo, arrinta magaalada Kismaayo ayaa sii gashay marxalad murugsan iyada oo Soomaalida ku kala nool caalamka daafihiisa ay ka caraysanyihiin dhaqanxumada ciidamada Kenya ay ku hayaan Soomaalida ku nool Kenya iyo kuwa Kismaayo intaba.

Soomaaliya Soomaali baa leh, ciidanka Goobweynna waxay u taagan yihiin Soomaalinnimo, gobannimo, iyo sharaf marna qaadan maayaan in la hoosgeeyo maleeshiyo beeleed dembiyo culus ka gashay degaanka. Ciidanka Kismaayo waxaa hoggaamiya Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Col. Barre Aadan Shire oo ah sarkaal billado badan ku qaatay aqoonta iyo xirfadda uu u leeyahay arimaha ciidamada halka maleeshiyada Raaskambooni uu hoggaamiyo mooriyaan Axmed Madoobe iyo tuugo ka soo jeedda kililka shanaad iyo Gaarisa gubaay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com