Dhageyso:Somaliya oo ciidamo Nabad ilaalilan ah udireysa dalka Koonfurta Sudan

0

War kasoo baxay xarunta urur goboleedka IGAD ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamo ka socda illaa 5 wadan oo IGAD ah oo Soomaaliya ku jirto loo dirayo wadanka koofurta Sudan si ay u dajiyaan.

R/wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, oo hadda ah shir gudoonka wadamada IGAD ayaa sheegay in ururku diyaariyay ciidamo ka kala socda illa 5 wadan oo kala ah Soomaaliya Jabuuti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda kuwaasoo qorshuhu yahay in dalka South Sudan la geeyo bishaan April iyo bisha soo socota ee May.

R./wasaare Hailemariam waxaa uu xusay in ciidamadaan oo nabad illaalin noqon doona ay caawin doonaan dawlada koofurta Sudan oo waayahaan wajahaysay dagaal ay mucaaradkeeda kusoo qaadayeen.

Wakaaladda wararka Anatalia ee Turkiga oo soo xiganaysa xafiiska R/wasaaraha Ethiopia ayaa waxaa ay ku waramaysaa in madaxda IGAD ay isku raacsan yihiin in ciidamo nabad illaalin ah oo ay ku jiraan ciidamo Soomaali ah la geeyo wadanka Koofurta Sudan si ay dawlada u caawiyaan.

Ciidamada Soomaaliya oo mar noqday kuwa ugu awooda badan qaaradda Africa hase ahaatee uu saameeyay bur burkii dalka ku dhacay markii ay dhacday dawladii dhexe ayaa arrintaani waxay u noqonaysaa mid dhiiri galin u noqota ciidamada Soomaaliya oo hadda la dhaliilo hanaanka ay u dhisan yihiin.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com