Dhageyso:Suldaanki Guud Ee Beesha Sheekhaal Oo Kismaayo Maleeshiyada Raaskambooni Ku Dileen Iyo Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed Oo Loo Heeysto Dilkiisa.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta gudaha magaalada Kismaayo ay ku dileen laba nin oo ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Allaha u Naxariistee Suldaanki Guud Ee Beesha Sheekhaal Suldaan Caamir Cabdiraxmaan Cabdidhuux.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Suldaan Caamir Cabdiraxmaan Cabdidhuux ayaa waxaa dilay laba nin oo ku hubeysan hubka fudud, xilli uu fadhiyey maqaaxi ay si weyn u buuxeen dadka magaalada Kismaayo,iyaddoo si sahal ahna meeshaasi uga tagay kadib markii ay fuliyeen dilkaasi qorsheysan ee loo soo diray.

Sidoo kale Nabadoon Cabdirashiid oo ay saaxiibo dhaw ahaayeen suldaanka la dilay ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay in dilkaasi ay geysteen ciidanka Raaskambooni ee hoostaga maamulka Ahmed Madoobe.

Nabadoon Cabdirashiid oo  xaqiijinaya sida loo dilay Suldaanka Guud ee Beesha Sheekhaal ayaa waxa uu yiri :

” Suldaanka waxaa dilay ciidanka Ahmed Madoobe, maxaa yeelay waxaa uu baryihii dhaweyd si xoog leh uga dhex muuqday shirarkii uu Ra’iisul wasaare Abdiweli dadka gobolladan deggan u qabanayey, waxaana uu kulamadaasi si cad uga sheegay inuu kasoo horjeedo maamulka Axmed Madoobe iyo tacadiyada ay magaalada ka geystaan. Waana midda uu maanta u dhintay” ayuu yiri Nabadoon Cabdirashiid oo ka mid ah odayaasha Kismaayo caanka ah.

Goobta dilka uu ka dhacay oo ah meel aan laga fili karin inay cidkasta dil ka fuliso,haddii aysan garab ka heysan ciidanka Raaskambooni ayaa waxaa ay tuhun sii gelineysaa kalsoonida ay shacabka Kismaayo ku qabi karaan maamulka dhinaca ka raran ee Axmed Madoobe.

Ehelada suldaanka guud ee Beesha Shiikhaal ayaa warbaahinta u sheegay inay Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed (Cabdiweli Madoobe) ay u haystaan dilka Suldaanka, maadaama uu isaga ahaa ninka ku qasbay ka qeybgalka shirarka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo soo gudbinta fikirkiisa dhabta ah, taas oo maanta loo dilay.

Dhinaca kale Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxa lagu eedeeyay in uu mudo todobaad ah u joogay magaalada Kismaayo sidii hub ka dhigis loogu sameen lahaa dhamaan ciidamada  Soomaaliyeed ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo halka ay hubkooda haysanayaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uurdooxata ah ee xasuuqa ba’an ka wada magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo Cabdiweli Sheekh Axmed (Cabdiweli Madoobe) ayaa sidoo kale Odayaal dhaqan isugu geeyay magaalada Kismaayo kuna qasbay inay taageeraan firkadaha guracan ee horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, waxaana hubaal ah in dacwadaha ka dhanka ah horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee loo gudbinayo hay’adaha xuquuqul aadanaha iyo maxakamada Calaamiga ah ee dambiyada (ICC) Hague  ee dalka Holland in uu qeeyb ka noqon doono Cabdiweli Sheekh Axmed oo la hayo warqado cadeeymo ah oo uu ku fasaxay xasuuqa ay ka wadaan magaalada Kismaayo.

cabdiwali

They may take our lives, but they’ll never take our freedom!

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com