War Cusub+Dhageyso: Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi”Raisul Wasaaraha Umaddii ayuu iska horkeenay, Wasiir K/Xigeenkiisana wuu hanjabay”.

0

Buurdhuubo (AGGM):Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi afhayeenka ururka Ahlu suna ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in raisul wasaarihii umadda Soomaaliyeed ee ay ka sugayeen dib u heshiisiin iyo wadahadal balse uu hal nin ah u jujuubay umadda.

Alqaadi ayaa sheegay in ninkaas Axmed Madoobe iyo Raaskambooni aana loo ansixin Karin inay maamul u noqdaan dadkii ay laayeen, isagoo sheegay in natiijo la’aan ay tahay wixii Kismaayo ka dhacay.

“Raisul wasaaraha dadkii deegaanka kalama uusan tashan arrimaha Jubbooyinka” ayuu yiri Alqaadi.

Wuxuu Sh Alqaadi digniin u diray wasiir k/xigeenka Amniga oo ku hanjabay hadal aana ku habboonayn qof masuul ah, isagoo sheegay in uusan hanjabi Karin ninkaas.

Halkaan ka dhagayso codka Sheekh Alqaadi

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com