War Deg Deg Ah: Cabdiweli Sheekh Axmed Oo Ku Fashilmay Qabyaaladi Uu Tagay Magaalada Kismaayo, Maanta Ama Berina Ku Soo Laabanaya Muqdisho Iyo Wadahadaladi Socday Oo Lagu Kala Tagay.

0

Muqdisho (AGGM): Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in dhamaan ay fashilmeen isku dayadi leeyskugu soo dhaweenayay Col. Bare Hiiraale iyo Cabdiweli Sheekh Axmed.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Cabdiweli Sheekh Axmed uu ka biyo diiday qaar ka mid ahaa qodobadi  uu soo bandhigay Col. Bare Hiiraale.

Shalay ayay ahayd markii ay magaalada Kismaayo soo gaareen qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka beesha marka laga reebo Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle oo si cad uu u diiday inuu wafdiga soo raaco Cabdiweli Sheekh Axmed.

Odayaasha dhaqanka ayaa marki ay soo gaareen magaalada Kismayao waxayna kulan kooban la qaateen Cabdiweli Sheekh Axmed, kadibna odayaasha iyo odayaale kale oo horay ugu sugnaa magaalada Kismaayo ayaa waxay qaateen kulan qaatay waqti dheer kadibna waxay go’aansadeen in go’aanka ay qaateen u gudbiyaan Cabdiweli Sheekh Axmed.

Qodaba Cabdiweli Sheekh Axmed loo gudbiyay ayaa dhamaantood siday ahaayeen u qaatay marka laga reebo qodobo qabyo ahaa oo lagu heshiiyay in maanta oo Jimce ah la dhameeystiro.

Qodobada Hordhaca Ahaa Ee xalay Lagu Heshiiyay.

1- In Heshiisyadi Addis Ababa iyo Muqdisho Qodabadi Ka Soo Baxay Siday Ahaayeen Loo Dhaqan Galinayo.

2- In Amaanka magaalada ay la wareegaan ciidamo dhex dhexaad ah Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Siiraaliyoon iyo Brundi.

3- In Ciidamada Goobweeyn Sidooda ay U Heesanayaan Hubkooda Iyaga Iyo Kuwa Raaskamboonina Isku si loola dhaqmayo (Isku Xuquuq) xeryo kala duwana ay dagayaan.

4- In Hogaamiyeyaasha Bare Hiiraale Iyo Axmed Madoobe ay Wada joogayaan magaalada Kismaayo isku sina loo tixgalinayo.

Odayaasha Shirkii ay maanta dib u yeesheen ayaa waxaa lagu lafa guray qodabadi dhimanaa waxayna isla qaateen in qodabada dhiman uu qaato Cabdiweli Sheekh Axmed isaguna si cad ayuu uga biyo diiday.

Qodobada Maanta Cabdiweli Sheekh Axmed  ka Biyo Diiday sababtayna in wadahadaladi socday ay bur buraan.

1- In Wadahadalka iyo Heshiiskaba laga soo qeeyb-galiyo Dhamaan dadka Soomaaliyeed ee deegaanadooda ka barakacay iyo mas’uuliyiinta kale ee ka tirsan dowladda Soomaaliya inta aysan soo xaroon ciidamada goobweeyn.

2- In Heshiisku noqdo mid UN-ka, EU iyo IGAD ay goobjoog Ka yihiin islamarkaana qodobada ka soo baxa Warbaahinta loo gudbiyo.

3- In Ergooyinka Golaha Nabada Iyo Midnimada Jubbooyinka ee Muqdisho ku sugan si deg deg ah Loo Keeno madasha shirka Kismaayo si ay heshiiska uga qeeyb galaan dhameeystirkiisa.

Dhinaca kale Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxaa soo baxday in Qorshihiisu ahaa QABYAALAD CAD oo uu doonayo in dadka Soomaaliyeed ee wax ka daga Jubbooyinka Xuquuqdooda iyo Samigoodaba la duudsiiyo, balse waxa uu hilmaamay ciidamada ku dagaalamay gudaha magaalada Kismaayo inaysan ahayn beel kaliye ee ay ahaayeen beelo Soomaaliyeed iyo Ciidamada Kenya oo garb siinaya maleeshiyo beeleedka Raaskambooni. (Qorshaha Cabdiweli Waxa Uu Ahaa Qeeybi Oo Xukun, balse waa lagu fahmay).

Isku soo wada duuboo Cabdiweli Sheekh ayaa waxaa lagu wadaa inuu maanta ama maalinimada beri uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho isagoo DACAYGA laa laadinaya, Qorshihiisi Qabyaalada ahaa ee uu u tagay Kismaayo-na ku soo fashilay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com