War Deg Deg Ah: Cabdiweli Sheekh Oo Shirqoolay Odayaashi Dhaqanka Beesha Sade Ee Shalay Gaaray Magaalada Kismaayo Iyo Ku Laabashadiisi Muqdisho Ee Maanta Oo Beri U Dhacday.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu damacsanaa Cabdiwe Sheekh Axmed in uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho balse ay ka biyo diideen odayaashi dhaqanka ee uu shalay uga yeeray magaalada Muqdisho.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in maanta Cabdiweli Sheekh Axmed uu u yeeray odayaashi dhaqanka ee shalay uu uga yeertay magaalada Muqdisho kuna wargaliyay ciidamada Goobweeyn in uu hub ka dhigis ku sameenayo haddii ay magaalada Soo galaan, taas oo dhalisay in gabi ahaanodayaashi ay aad uga caroodeen islamarkaana sababtay ay bur buraan heshiisyadi xalay leeysku afgartay, maadaama Cabdiweli uu ka baxay balanti la wada galay.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka ee shalay soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa si cad ugu sheegay Cabdiweli Sheekh inuu yahay Qaa’in aan garasho fog lahayn qorshaha uu ugu yeeratayna ay ahayd shirqool uu iyaga qudhooda ku shirqoolayay waxayna  u sheegeen Cabdiweli Sheekh Axmed in uusan ka bixi karin magaalada Kismaayo taas oo dhalisay inuu maanta ka baaqdo safarkiisi uu dib ugu soo laaban lahaa magaalada Muqdisho.

Isku soo wada duuboo Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dhamaan qorshoyaashiisi guracnaa waxay ku soo wada afjarmeen fashil iyo Wajigabax, saas oo ay tahayna ay weli u dhiman yihiin fashil iyo wajigabax ka raaca magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com